Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa ku dhawaaqay in la xiray gudbinta liisaska musharraxiinta doorashooyinka ku-celiska ah ee loo qorsheeyay inay ka dhacaan Dawlad-goboleedka Galmudug.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Guddigu hirgelinayo jadwalka doorashada ee uu soo saaray 31-dii Agoosto 2026, isla markaana uu isu diyaarinayo doorashooyinka la qorsheeyay inay dhacaan 30-ka Sebtembar 2026.
SHEEKOOYIN KALE
Guddiga ayaa ururrada siyaasadda iyo dhinacyada ay khuseyso doorashada ee Galmudug ku wargeliyay in muddadii loogu talagalay gudbinta liisaska musharraxiinta u tartamaya doorashooyinka ku-celiska ah ay si rasmi ah u xirmatay.
XIGASHO:SONNA























