Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qayb galay munaasabad casho-sharaf ah oo lagu soo dhaweynayay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo munaasabadda ka hadlay ayaa dul istaagay horumarrada laga sameeyay dowlad-dhiska, xoojinta hay’adaha dowladda iyo ansixinta sharciyo muhiim u ah dalka. Waxa uu tilmaamay in tallaabooyinkaasi ay gacan ka geysteen horumarinta nidaamka sharciyeed, adkeynta hay’adaha qaranka iyo ilaalinta danaha guud ee Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyay Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka dadaalka ay ku bixiyeen gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in sharci-dejintu ay tiir muhiim ah u tahay dowladnimo ku dhisan nidaam, isla-xisaabtan iyo kala dambeyn.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo doortay iyo kalsoonida ay siiyeen xubnaha Golaha Shacabka, isaga oo u rajeeyay inuu waajibaadkiisa dastuuriga ah u guto si hufan, daacadnimo iyo masuuliyad leh.





















