Soomaaliya ayaa laga xusay Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada, iyadoo munaasabad laba maalmood socotay lagu qabtay hal-ku-dhegga “Duruufo Kala Duwan, Himilooyin Wadaag ah.”
Munasaabadda ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, iyadoo ay taageerayaan Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Dadweynaha iyo Hay'adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Kuuriya.
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed, inkastoo ay wajahaan amni-darro, shaqo la’aan iyo caqabado kale, ay wadaagaan himilo ah dhismaha dal nabad ah oo horumarsan.
Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka, Cabdikaafi Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay qorshe lagu dhisayo Sanduuqa Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu taageerayo ganacsiga, shaqo-abuurka iyo xirfadaha dhallinyarada. Wuxuu sidoo kale sheegay in Muqdisho laga dhisi doono Xarunta Qaranka ee Dhallinyarada, oo la qorsheeyay in la dhammaystiro sannadkan gudihiisa.
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in dhallinyaradu u baahan yihiin waxbarasho tayo leh, tababar iyo taageero lagu horumariyo fikradahooda, isagoo xusay inaysan 30-kii sano ee la soo dhaafay si buuxda u helin taageeradaas.
Munaasabadda ayaa sidoo kale xoogga saartay ka qaybgalka dhallinyarada naafada ah, iyadoo turjubaano luqadda dhegoolayaasha ah ay turjumayeen khudbadaha, halka farshaxan-yahan dhallinyaro ah oo aragga naafo ka ah uu soo bandhigay farshaxan ka tarjumaya caqabadaha dhallinyarada Soomaaliyeed.
Munaasabadda ayaa lagu soo gabagabeeyay baaq ku saabsan in ballanqaadyada loo beddelo waxqabad, gaar ahaan hirgelinta Sanduuqa Dhallinyarada iyo dhismaha Xarunta Qaranka ee Dhallinyarada.





















