| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
NISA oo Hawlgal ay ka Fulisay Hiiraan ku Dishay Saddex Horjooge Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab
NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah ayaa hawlgal ka fulisay Hiiraan, kaas oo lagu dilay saddex horjooge sare iyo shan ilaalo ah. Hawlgalku wuxuu si gaar ah u beegsaday goob ay ku sugnaayeen afar horjooge oo ka tirsan Al-Shabaab.
NISA oo Hawlgal ay ka Fulisay Hiiraan ku Dishay Saddex Horjooge Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab
NISA oo Hawlgal ay ka Fulisay Hiiraan ku Dishay Saddex Horjooge Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab / SONNA

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah, ayaa hawlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ku dishay saddex horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab iyo shan ilaalo ah, halka afar kalena lagu dhaawacay.

Hawlgalka ayaa si gaar ah loogu beegsaday goob ay ku sugnaayeen afar horjooge oo ka tirsan Al-Shabaab. Saddexda horjooge ee la dilay ayaa kala ahaa Saciid Xuuriye, oo ahaa horjoogaha qaabilsanaa baadda bariga Hiiraan; Xamse Bakool, oo ahaa horjoogaha waxa ay kooxdu ugu yeerto Jabhadaha ka howlgala Hiiraan; iyo Cismaan, oo ahaa horjoogaha waxa ay kooxdu ugu yeerto Fursaan.

Weerarka ayaa sidoo kale lagu dilay shan xubnood oo ka tirsanaa kooxda oo ilaalinayay horjoogayaasha, waxaana lagu dhaawacay afar kale oo uu ku jiro horjooge Khaalid Ciro. Horjooge Cabdikarin Yuusuf Axmed, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya Al-Shabaab ee deegaanka Tardo, ayaa si dirqi ah uga baxsaday goobta la beegsaday.

Hawlgalka ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu baacsanayo horjoogayaasha Al-Shabaab laguna wiiqayo awoodda kooxda ee abaabulka iyo fulinta falalka argagixisada.

XIGASHO:SONNA