| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee CXDS oo Kormeeray Fariisimaha Ciidanka ee Jiidda Hore ee Gobolka Hiiraan
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa kormeeray fariisimaha ciidamada ee deegaanka Teedaan, isagoo warbixin ka dhageystay hoggaanka Qaybta 27-aad ee Xoogga Dalka ee ku saabsan xaaladda deegaanka iyo hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee CXDS oo Kormeeray Fariisimaha Ciidanka ee Jiidda Hore ee Gobolka Hiiraan
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee CXDS, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kormeeray fariisimaha ciidamada ee deegaanka Teedaan ee Gobolka Hiiraan

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa Talaadadii booqday jiidda hore ee deegaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan, halkaas oo uu ku kormeeray fariisimaha difaaca ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa Taliyaha Qaybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gaashaanle Sare Cali Cagey, ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee deegaanka iyo hawlgallada socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi ayaa ciidamada ku bogaadiyay naf-hurnimadooda iyo geesinimadooda, iyo sidoo kale feejignaanta joogtada ah ee ay ka muujiyaan dhaq-dhaqaaqyada cadowga iyo sida ay uga go’an tahay inay ku adkaystaan jiidda hore.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Difaaca Deegaanka ayaa qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan ka wada hawlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab.

XIGASHO:SONNA