| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Hindiya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Gaadiidka iyo Duulista Rayidka
Soomaaliya iyo Hindiya ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga gaadiidka iyo duulista rayidka, gaar ahaan isku xirka duulimaadyada, badqabka duulista, tababarrada farsamada iyo horumarinta garoomada diyaaradaha.
Soomaaliya iyo Hindiya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Gaadiidka iyo Duulista Rayidka
Soomaaliya iyo Hindiya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Gaadiidka iyo Duulista Rayidka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cali Afrax, ayaa Talaadadii qaabilay Safiirka Hindiya u fadhiya Soomaaliya, Dr. Adarsh Swaika, oo soo gaaray Muqdisho.

Kulanka isbarashada ayaa diiradda lagu saaray xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Hindiya, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada gaadiidka iyo duulista rayidka.

Agaasimaha Guud ayaa soo dhoweeyay Safiirka iyo wafdigiisa, isagoo tilmaamay muhiimadda ay Soomaaliya siineyso xiriirka taariikhiga ah, dhaqanka iyo ganacsiga ee ay la leedahay Hindiya, iyo sidoo kale isku xirnaanta labada dal ee Badweynta Hindiya.

Safiir Adarsh Swaika ayaa sheegay in xoojinta isku xirka duulimaadyada Soomaaliya iyo Hindiya ay tahay arrin mudnaan weyn leh, isagoo adkeeyay baahida loo qabo in la sii horumariyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale tilmaamay fursadaha lagu ballaarin karo iskaashiga dhinaca horumarinta awoodda duulista rayidka, gaar ahaan badqabka duulista, adeegyada hagista hawada iyo maamulka hawada, horumarinta garoomada diyaaradaha, tababarrada farsamada iyo adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah ee duulista.

Wasaaradda ayaa sidoo kale adkeysay muhiimadda ay leedahay in xirfadlayaasha Soomaaliyeed ee duulista rayidka loo suurtageliyo inay ka faa’iideystaan khibradda iyo xarumaha tababarka ee Hindiya, si loo xoojiyo aqoonta iyo awoodda hay’adaha duulista Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo iskaashiga farsamo ee u dhexeeya hay’adaha ay khuseyso ee labada dal, si loo gaaro tallaabooyin wax-ku-ool ah iyo natiijooyin muuqda oo lagu horumarinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Hindiya ee dhinacyada gaadiidka iyo duulista rayidka.

XIGASHO:SONNA