Matoorkii ugu horreeyay ee tareen oo isku-dhafan naafto iyo koronto (diesel-electric shunting locomotive) islamarkaana si buuxda loogu sameeyay gudaha dalka Turkiga ayaa loo dhoofiyay qaaradda Afrika, taas oo calaamad u ah guul taariikhi ah iyo horumar cusub oo laga gaaray warshadaha tareennada ee dalkaas.
Wasiirka Gaadiidka Turkiga, Cabdulqaadir Uraloglu, ayaa bayaan uu soo saaray Isniintii ku sheegay in matoorka tareenka ee loo yaqaano DE 10000 lagu soo saaray warshadda qaabilsan sameynta tareennada Turkiga ee Turasas.
"Waxaan u dirnay matoorkeenna tareenka ee DE 10000 dalka Tansaaniya, waana tareen maxalli ah oo ka dhashay xirfadda injineernimo ee gudaha dalkeenna," ayuu yiri wasiirku.
Uraloglu ayaa intaas ku daray in matoorkan tareen loo dhoofiyay dalka Tansaaniya 29-kii bishii Luulyo, islamarkaana la filayo inuu dhawaan ku xirto Dekedda magaalada Daarusalaam.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in tareenkani uu ku qalabaysan yahay matoorkii naaftada ahaa ee ugu horreeyay ee lagu sameeyo gudaha Turkiga, kaas oo awooddiisu ay ka badan tahay 1,000 awood-faras.
Matoorkan ayaa lagu soo saaray iskaashi dhow oo dhexmaray warshadda Turasas iyo Hay'adda Cilmi-baarista Sayniska iyo Farsamada ee Turkiga (Tubitak).
"Khibradda injineernimo iyo awoodda naqshadeynta ee la kasbaday intii lagu guda jiray horumarinta matoorkan ayaa sare u qaadday awoodda farsamo ee Turkiga ee dhinaca nidaamyada tamarta, maadaama matoorkani uu yahay wax soo saar istiraatiiji ah oo daboolaya baahiyaha waaxyo kala duwan, gaar ahaan warshadaha tareennada," ayuu wasiir Uraloglu hadalkiisa raaciyay.























