| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo si kulul u beeniyay eedeymo la xiriira safarkiisii Kenya
War-saxaafadeed rasmi ah oo uu soo saaray, uuna ku soo daabacay boggiisa baraha bulshada ee Facebook, ayuu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku ku tilmaamay eedeymahaas kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo si kulul u beeniyay eedeymo la xiriira safarkiisii Kenya
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo si kulul u beeniyay eedeymo la xiriira safarkiisii Kenya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Xaaji Cabdirashiid, oo horay u soo ahaa Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa si kulul u beeniyay eedeymo maalmihii la soo dhaafay si weyn loogu faafinayay baraha bulshada, kuwaas oo la xiriiray safar uu dhowaan ku tagay dalka Kenya.

War-saxaafadeed rasmi ah oo uu soo saaray, uuna ku soo daabacay boggiisa baraha bulshada ee Facebook, ayuu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku ku tilmaamay eedeymahaas kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Wuxuuna gaashaanka ku dhuftay in uu ku lug yeeshay falal kasta oo wax u dhimaya amniga, madaxbannaanida iyo bedqabka dhuleed ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Jibriil ayaa hoosta ka xarriiqay in shaqadiisa qaranka uu u guto si waafaqsan sharciga, isagoo dhawraya nabadda gobolka iyo xiriirka wanaagsan ee derisnimada.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu mas’uulku ammaan ballaaran u jeediyay dowladda iyo shacabka Kenya, isagoo ku sifeeyay saaxiib dhow oo mar walba garab taagnaa Soomaaliya xilliyadii adkaa.

Waxa uu xusay doorkooda ku aaddan martigelinta qaxootiga Soomaaliyeed, sugidda amniga gobolka, iyo taageerada geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa carrabka ku adkeeyay in xiriir qoto dheer oo taariikhi iyo ganacsi ah uu ka dhexeeyo labada shacab, isagoo xaqiijiyay inay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga laba-geesoodka ah ee dhinacyada amniga, ganacsiga, maalgashiga iyo is-dhexgalka bulshada.

Ugu dambayn, Jibriil Xaaji Cabdirashiid ayaa ugu baaqay bulshada weynta iyo warbaahinta inay ka fogaadaan baahinta iyo faafinta wararka aan la xaqiijin ee bulshada lagu jahawareerinayo, isagoo dib u cusboonaysiiyay sida uu diyaar ugu yahay ilaalinta dowladdnimada iyo wada-shaqeynta Kenya.”

Raadi Warar Kale
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo Booqasho Ku Jooga Itoobiya
Hantidhowraha Guud ee JFS oo Kulan La Qaatay Wakiilka Shirkadda Favori LLC ee Soomaaliya
Guddiga Toddobaadka Xorriyadda oo Kormeeray Diyaargarowga Ciidamada Kahor Dabaal-degyada 1-da Luulyo
Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Danjiraha Suudaan si Loo Xoojiyo Xiriirka Labada Dal
Xuutiyiinta Yemen oo Ku Hanjabtay inay Bartilmaameedsan Doonaan Fariisimaha Israa’iil ee Somaliland
Soomaaliya oo Daahfurtay Nuqullo Daabacan oo Dastuurka Federaalka ah oo la Gaarsiinayo Dadweynaha
Imtixaannada Qaranka ee 2026 oo Kusoo Gebageboobay Ka-qaybgal Sare iyo Dabaaldeg Ballaaran: Muqdisho
Abaalmarinta Somali Hero Awards ee Nofeembar 2026 oo Lagu Maamuusayo Hal-doorka Soomaalida
Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shirarka Heer Wasiir ee Jaamacadda Carabta ee Urdun
Wasiirka Warfaafinta oo La Kulmay Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka si loo Xoojiyo Iskaashiga
2 Qof oo ku Dhintay Weerar Drones ah oo RSF ku Qaadday Hoy ay Deganaayeen Barakacayaal
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku Qaabilay Wafdi ka Socday Qaramada Midoobay
Wasiirka Warfaafinta oo Qaabilay Ku-simaha Safiirka Liibiya ee Soomaaliya
Hay’adda Socdaalka Soomaaliya iyo Austria oo Ka Wadahadlay Xoojinta Iskaashiga adeegyada socdaalka
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo La Kulmay Mas’uuliyiin ka Socday Qatar, Jabuuti iyo Mauritania
Danjiraha Soomaaliya ee Sacuudiga oo La Kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga
Wasiirka Warfaafinta oo Kormeeray Tiyatarka Qaranka iyo Hawlaha Diyaargarowga Toddobaadka Xorriyadda
SoDMA oo Agaasintay Wadahadallo Ku Saabsan U Diyaargarowga Khatarta Fatahaadaha Kahor Xilliga Deyrta
Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Kulanka Guddiga Fulinta ee INPDPA ee Turkiga
Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji oo Ku Baaqday Nabad ka Hirgasha Hiiraan