| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Hay’adda Socdaalka Soomaaliya iyo Austria oo Ka Wadahadlay Xoojinta Iskaashiga adeegyada socdaalka
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Xuseen ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka hay’adeed ee u dhexeeya labada hay’adood.
Hay’adda Socdaalka Soomaaliya iyo Austria oo Ka Wadahadlay Xoojinta Iskaashiga adeegyada socdaalka
Hay’adda Socdaalka Soomaaliya iyo Austria oo Ka Wadahadlay Xoojinta Iskaashiga adeegyada socdaalka

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya (ICA), Xuseen Qaasim Yuusuf (Ciidow), ayaa Talaadadii magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Agaasimaha Guud ee hay’adda socdaalka Austria, Gernot Maier, iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Intii uu kulanku socday, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Xuseen ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka hay’adeed ee u dhexeeya labada hay’adood. Waxa uu tilmaamay dadaallada socda ee dib-u-habaynta iyo casriyeynta ee ICA, isaga oo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo iskaashi caalami ah si loo taageero horumarinta adeegyada socdaalka iyo maamulka xuduudaha.

Dhankiisa, Maier ayaa muujiyay qaddarinta uu u hayo soo dhoweynta diirran, wuxuuna soo dhaweeyay fursadda lagu sii qotominayo wada-shaqeynta u dhexeysa hay’adaha socdaalka ee Soomaaliya iyo Austria.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhinacyada ay labada dhinac danaha ka wadaagaan ee lagu xoojinayo iskaashiga maamulka socdaalka, dhismaha awoodda hay’adaha, iyo casriyeynta adeegyada socdaalka.

XIGASHO:SONNA