Ciidamada Mareykanka ayaa soo riday laba diyaaradood oo drone ah oo Iran leedahay kuwaas oo la sheegay in ay isku dayayeen in ay weeraraan maraakiib ganacsi oo marayay Marinka Hormuz, sida uu sheegay mas’uul Mareykan ah Khamiistii.
“Waxay u muuqataa in Iran ay caawa isku dayday inay weerarto maraakiib ganacsi oo marayay Marinka Hormuz. Ciidamada Mareykanka ayaa soo riday laba drone oo nooca ismiidaaminta ah oo Iran leedahay. Isu socodka maraakiibta ee marinka ayaa weli si caadi ah u socda,” ayuu yiri mas’uulkaasi, sida ay baahisay NBC News.
Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin maraakiibta la beegsaday ama waxyeello kasta oo ka dhalatay dhacdada.
Weerarkan la sheegay ayaa dhacay saacado kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Washington ay ku dhowdahay inay heshiis la gaarto Iran si loo soo afjaro dagaalka.
Trump ayaa sheegay in heshiiskaasi la saxiixi karo “waqti aad u dhow, laga yaabee dhammaadka toddobaadkan,” isagoo intaa ku daray in Madaxweyne Ku-xigeenka JD Vance, ergayga gaarka ah Steve Witkoff, iyo la-taliyaha Jared Kushner ay matali doonaan Mareykanka haddii munaasabad saxiixeed ay ka dhacdo Yurub.






















