Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Muqdisho Shirweynaha 3-aad ee Maayarrada Magaalooyinka Soomaaliya.
Khudbaddii furitaanka, Wasiir Cali Xoosh ayaa ku adkeeyay in Maayarrada magaalooyinka iyo maamullada degmooyinku ay yihiin kuwa ugu horreeya ee ka jawaaba caqabadaha ay la kulmaan bulshooyinka Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in laga bilaabo abaaraha iyo saameynta isbeddelka deegaanka ilaa barakaca, khilaafaadka ka dhasha kheyraadka, iyo colaadaha deegaanka, ay yihiin maamullada hoose kuwa ugu horreeya ee gurmadka bixiya, isku-duwa taageerada, isla markaana garab istaaga dadka ay saameeyeen dhibaatooyinku.
“Xoojinta dowladaha hoose ma aha oo keliya doorasho siyaasadeed; waa saldhigga adeeg bixinta, horumarka, iyo ka qaybgalka dimuqraadiyadeed,” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.
Wasiirku wuxuu dib u xaqiijiyay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta dowladaha hoose iyo hirgelinta nidaamka maamul-daadejinta, isagoo ugu baaqay ka qaybgalayaasha inay shirkan uga faa’iideystaan is-weydaarsiga khibradaha, xoojinta iskaashiga, iyo soo bandhigidda xalal wax ku ool ah oo lagu dhisayo degmooyin adkaysi leh isla markaana si wanaagsan ugu adeegaya bulshada Soomaaliyeed.























