| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya, Midowga Yurub iyo UNDP oo Ka Wadahadlay Ballaarinta Helitaanka Caddaaladda Dalka oo Dhan
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga hirgelinta Istaraatiijiyadda Horumarinta Garsoorka 2025–2029 iyo ballaarinta adeegyada caddaaladda si ay u gaaraan dhammaan qaybaha dalka.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xassan Macallin Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay magaalada Muqdisho Danjiraha Midowga Yurub (EU) iyo madax sare oo ka socday Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga hirgelinta Istaraatiijiyadda Horumarinta Garsoorka 2025–2029 iyo ballaarinta adeegyada caddaaladda si ay u gaaraan dhammaan qaybaha dalka.

Wasiir Xassan ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan waaxda cadaaladda Soomaaliya, wuxuuna ku ammaanay UNDP doorka ay ka qaadato hirgelinta Barnaamijka Wadajirka ah ee Cadaaladda iyo Asluubta (JJCP), oo ah hindise muhiim ah oo lagu horumarinayo adeegyada garsoorka iyo nidaamka asluubta ee Soomaaliya.

Wadahadallada ayaa muujiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Yurub, iyo UNDP uga go’an tahay sii wadidda dib-u-habaynta waaxda cadaaladda iyo kor u qaadidda helitaanka caddaaladda ee dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

XIGASHO:SONNA