| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo EUCAP oo Ka Wadahadlay Xoojinta Qaab-dhismeedka Amniga Dalka
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga, taageerada farsamo, iyo tababarrada ee xafiiska EUCAP ee Soomaaliya uu siiyo hay’adaha amniga Soomaaliya.
Soomaaliya iyo EUCAP oo Ka Wadahadlay Xoojinta Qaab-dhismeedka Amniga Dalka
Soomaaliya iyo EUCAP oo Ka Wadahadlay Xoojinta Qaab-dhismeedka Amniga Dalka

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kulan la yeeshay wafdi ka socday xafiiska EUCAP ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Madaxa Hawlgalka, Kestutis Lancinskas.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga, taageerada farsamo, iyo tababarrada ee xafiiska EUCAP ee Soomaaliya uu siiyo hay’adaha amniga Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Ciidamada Daraawiishta, iyo Ciidanka Ilaalada Xeebaha Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dib-u-eegista istaraatiijiyadda EUCAP iyo sidii taageerada amniga loogu waafajin lahaa mudnaanta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha iyo Agaasimaha Guud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dowladda ay lahaato hoggaanka, isku-duwidda, iyo kormeerka dhammaan dadaallada lagu taageerayo hay’adaha amniga Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxa EUCAP Soomaaliya ayaa dib u xaqiijiyay sida Hawlgalka ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada uu siiyo Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la qabto kulan farsamo si loo sii ambaqaado dib-u-eegista istaraatiijiyadda Hawlgalka, loo xoojiyo iskaashiga amniga, loona kordhiyo taageerada la siiyo hay’adaha amniga Soomaaliya.

XIGASHO:SONNA