| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Kulanka Guddiga Fulinta ee INPDPA ee Turkiga
Agaasime Maxamed Nuur ayaa kulanka ka sheegay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay hirgelinta himilooyinka iyo ujeeddooyinka shabakadda, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xogta shakhsiyeed iyo dhowrista xuquuqda muwaadiniinta
Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Kulanka Guddiga Fulinta ee INPDPA ee Turkiga
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Ilaalinta Xogta Shakhsiyeed ee Soomaaliya, Maxamed Nuur, oo Ka Qayb Gashay Kulanka Guddiga Fulinta ee INPDPA ee Turkiga

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Ilaalinta Xogta Shakhsiyeed ee Soomaaliya, Maxamed Nuur Colow, ayaa ka qayb galay kulankii labaad ee Guddiga Fulinta ee Shabakadda Islaamiga ah ee Hay’adaha Ilaalinta Xogta Shakhsiyeed (INPDPA), kaas oo lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta xeerarka iyo nidaamyada shabakadda, xoojinta iskaashiga u dhexeeya dalalka Islaamka ee dhinaca ilaalinta xogta shakhsiyeed, is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradaha, iyo ka doodista caqabadaha la xiriira tiknoolojiyadda cusub iyo amniga macluumaadka.

Agaasime Maxamed Nuur Olow ayaa kulanka ka sheegay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay hirgelinta himilooyinka iyo ujeeddooyinka shabakadda, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xogta shakhsiyeed iyo dhowrista xuquuqda muwaadiniinta.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee kulankan ayaa muujinaya dadaallada socda ee lagu xoojinayo nidaamka ilaalinta xogta dalka, kor u qaadidda iskaashiga caalamiga ah, iyo la jaanqaadidda heerarka iyo habraacyada casriga ah ee la xiriira amniga xogta iyo xuquuqda gaarka ah ee dadka.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Soomaaliya iyo IFAD oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xoolaha iyo Adkeysiga Bulshooyinka Xoolo-dhaqatada ah
RW Xamze oo Arday Qalin-jabisay ugu Baaqay inay Aqoontooda uga Faa’iideeyaan Horumarka Qaranka
Toddoba qof oo hal qoys ah oo ku nafwaayey doon tahriibiyaal sidday oo ku degtay xeebaha Tuniisiya
Turkiga iyo 11 dal oo si wadajir ah u cambaareeyay duqeymaha Israa’iil ay ku beegsatay Suuriya
Masar oo Sheegtay inay Difaacayso Amniga Biyaha Xilli Itoobiya Qorshaynayso Biyo-xireenno Cusub
Wasiirka Amniga Dowladda Federalka Soomaaliya oo kulan la yeeshay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya
Wasiirka Warfaafinta JFS oo Beijing Kaga Qaybgalaya Madasha Warbaahinta Shiinaha iyo Afrika
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir-guddoomiyay kulankiisii ugu horreeyay ee Guddiga Joogtada ah
Wasiir Fidan oo dhiggiisa Masar iyo Sacuudiga kala hadlay qorshaha nabadda Qaza
870 Muwaadiniin Suudaaniyiin ah oo si iskood ah dib ugu laabtay dalkooda: Masar
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ka Guddoomay Toddobo Safiir oo Cusub
Dhimashada Maroodiyada Kenya: Ma Cudur Dahsoon ayaa Dilaya?
200,000 oo Qof oo Kale oo Ku Barakacay Suudaan Xilli Colaadda ay Sii Xoogeysanayso: QM
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo La Kulmay Safiirka Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Wasiirka Maamulka Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka ee Shiinaha
Muqdisho oo laga xusay 15-guuradii kasoo wareegtay booqashadii taariikhiga ahayd ee MW Erdogan
Xoghayaha Guud ee AfCFTA oo La Kulmay Ururrada Shaqaalaha Xilli Hirgelinta Heshiisku Bilowday
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u Diray Madaxweynaha La Doortay ee Zambia
Soomaaliya oo Nuqullada Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ka Guddoontay Afar Safiir oo Cusub
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee CXDS oo Kormeeray Fariisimaha Ciidanka ee Jiidda Hore ee Gobolka Hiiraan