Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa Arbacadii magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, Cismaan Maxamuud Shatax, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga u dhexeeya wasaaradda iyo ururrada bulshada rayidka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee ururrada bulshada rayidku ku leeyihiin kor u qaadidda wacyigelinta bulshada, xoojinta nabadda iyo wadajirka bulshada, horumarinta xorriyadda saxaafadda, iyo la dagaallanka hadallada naceybka, qabyaaladda, iyo afkaarta wiiqaysa midnimada qaranka.
Wasiir Cabdifataax ayaa adkeeyay sida ay wasaaradda uga go’an tahay dhisidda iskaashi wax ku ool ah oo lala yeesho ururrada bulshada rayidka si kor loogu qaado fahamka bulshada, loo taageero warbaahin xor ah oo masuuliyad leh, isla markaana gacan looga geysto horumarka Soomaaliya iyo dadaallada dhismaha dowladnimada.
Dhankiisa, Cismaan Maxamuud Shatax ayaa soo dhaweeyay dadaallada wasaaradda ee lagu horumarinayo warbaahinta, dhaqanka iyo barnaamijyada wacyigelinta bulshada, isaga oo mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay ururrada bulshada rayidku inay si firfircoon uga qayb qaataan ololayaasha wacyigelinta, dadaallada nabad-dhisidda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, iyo horumarinta wadajirka bulshada.
Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo iskaashiga ku aaddan hirgelinta barnaamijyada wacyigelinta bulshada, faafinta dhaqanka nabadda, la dagaallanka hadallada naceybka iyo qabyaaladda, iyo taageeridda hindisayaasha lagu horumarinayo xorriyadda saxaafadda iyo ka-qaybgalka bulshada ee horumarinta qaranka.
Kulankan wuxuu qayb ka yahay dadaallada ballaaran ee Wasaaradda Warfaafinta ay ku xoojinayso wadashaqeynta ay la leedahay ururrada bulshada rayidka, si loo helo bulsho xog-ogaal ah, mideysan oo nabad ah, isla markaana si firfircoon uga qayb qaadata horumarka Soomaaliya iyo geeddi-socodka dhismaha dowladnimada.























