Hay’adda Sharciyeynta Daawooyinka Qaranka Soomaaliyeed (NMRA) iyo Hay’adda Daawooyinka ee Masar ayaa magaalada Qaahira ku kala saxiixday Heshiis Is-faham (MoU) oo lagu xoojinayo wada shaqeynta labada dhinac ee la xiriirta nidaaminta daawooyinka iyo qalabka caafimaadka.
Munaasabadda saxiixa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Daawooyinka ee Masar, Dr. Cali Al-Ghamrawi. Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Guddoomiyaha NMRA, Dr. Faarax Shiroy, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Daawooyinka Masar, Dr. Tamer Al-Xuseyni.
Heshiiska ayaa diiradda saaraya dhowr qodob oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin isdhaafsiga aqoonta iyo khibradaha farsamo, wadaagga xogta la xiriirta la socodka daawooyinka, horumarinta hababka diiwaangelinta qalabka caafimaadka iyo xoojinta nidaamyada kormeerka. Sidoo kale, waxaa heshiiska ku jira taageeridda barnaamijyada kor loogu qaadayo xirfadaha iyo awoodda shaqaalaha farsamada ee Soomaaliya.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskani uu Soomaaliya u sahli doono inay ka faa’iidaysato waayo-aragnimada iyo khibradda Masar si loo horumariyo nidaamka sharciyeynta daawooyinka iyo adeegyada caafimaadka. Waxa uu xusay in arrintani ay qayb ka tahay dadaallada dib-u-habaynta loogu sameynayo waaxda caafimaadka iyo kor u qaadista tayada adeegyada loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.
Xafladda saxiixa waxaa sidoo kale ka qayb galay Safiirka Soomaaliya ee Masar, Cali Cabdi Awari, Kaaliyaha Wasiirka Caafimaadka, Shaafi Cusmaan, iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Xirfadaha Caafimaadka, Maxamed Maxamuud Cadow.























