Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xassan Maxamed Cali (Nadara), ayaa maanlinkii Axadda qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Cabdiraxmaan Khaliil Effendi, si ay uga wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga labada dal.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, ballaarinta iskaashiga dhinacyada ay labada dhinac danaha ka wadaagaan, iyo is-weydaarsiga aragtiyo ku saabsan xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Wasiir Ku-xigeenka, Xassan Maxamed Cali, ayaa dib u xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee kala dhexeeya Suudaan, isagoo carrabka ku adkeeyay xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimada dhow ee ka dhaxaysa shacabka labada dal.
Dhankiisa, Danjire Cabdiraxmaan Khaliil Effendi ayaa Wasiir Ku-xigeenka uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dhinaca amniga ee ka jira Suudaan, wuxuuna uga mahadceliyay Soomaaliya taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee ay la garab taagan tahay dalkiisa.
Labada dhinac ayaa kulanka ku soo gabagabeeyay iyagoo dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo isku-duwidda mowqifyada ku saabsan arrimaha ay labada dal danaha ka wadaagaan.





















