| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Wasiirka Warfaafinta oo ku baaqay dadaal mideysan oo lagula dagaallamayo hadallada naceybka
Wasiirka ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda, warbaahinta, ururrada bulshada rayidka ah, culimada, dhallinyarada iyo dhammaan qaybaha bulshada inay iska kaashadaan la dagaallanka hadallada naceybka ah.
Wasiirka Warfaafinta oo ku baaqay dadaal mideysan oo lagula dagaallamayo hadallada naceybka
Wasiirka Warfaafinta oo ku baaqay dadaal mideysan oo lagula dagaallamayo hadallada naceybka

Iyadoo la xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Ka Hortagga Hadallada Nacaybka, ayaa Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya lagu qabtay munaasabad lagu muujinayay muhiimadda maalintan iyo doorka ay ku leedahay xoojinta wadajirka bulshada.

Munaasabadda, oo uu ka qayb galay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa lagu falanqeeyay saameynta taban ee hadallada naceybku ku yeeshaan nabadda, isku duubnida bulshada iyo horumarka dalka, iyadoo la adkeeyay baahida loo qabo in si wadajir ah looga hortago.

Wasiirka ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda, warbaahinta, ururrada bulshada rayidka ah, culimada, dhallinyarada iyo dhammaan qaybaha bulshada inay iska kaashadaan la dagaallanka hadallada naceybka ah, isla markaana kor loo qaado dhaqanka is-ixtiraamka, wada noolaanshaha iyo midnimada bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxa uu xusay in ka hortagga hadallada naceybku uusan ahayn waajib saaran hal dhinac oo keliya, balse uu yahay masuuliyad guud oo u baahan wacyigelin joogto ah, sharciyo wax ku ool ah iyo iskaashi ballaaran si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo wadajirka shacabka.

Wasiirku waxa uu warbaahinta, hal-abuurayaasha fanka iyo farshaxanka, dadka saamaynta ku leh baraha bulshada iyo waxgaradka Soomaaliyeed ku boorriyay inay door muuqda ka qaataan faafinta farriimaha nabadda iyo midnimada, isla markaana gacan ka geystaan yaraynta naceybka ku saleysan qabyaaladda, isir-takoorka iyo takoorka jinsiga.

XIGASHO:SONNA