| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
SoDMA oo Daahfurtay Kulan Looga Arrinsaday Dhisidda Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Musiibooyinka
Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay wakiillo ka socday hay’adaha dowladda, Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka, bahwadaagta caalamiga ah, ururrada maxalliga ah, iyo bulshada rayidka ah.
SoDMA oo Daahfurtay Kulan Looga Arrinsaday Dhisidda Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Musiibooyinka
SoDMA oo Daahfurtay Kulan Looga Arrinsaday Dhisidda Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Musiibooyinka

Guddoomiye Ku Xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray kulan wadatashi ah oo ku saabsan dhisidda Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khataraha Musiibooyinka Soomaaliya (NDRMF).

Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay wakiillo ka socday hay’adaha dowladda, Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka, bahwadaagta caalamiga ah, ururrada maxalliga ah, iyo bulshada rayidka ah.

Ka qaybgalayaashu waxay ka wada hadleen qaab-dhismeedka la soo jeediyay ee sanduuqa iyo doorka uu ka qaadan karo xoojinta awoodda Soomaaliya ee ka hortagga, u diyaar-garowga, iyo ka jawaabidda musiibooyinka. Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay talooyin lagu xaqiijinayo hirgelin wax ku ool ah iyo joogteynta sanduuqan ee mustaqbalka.

Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn loo dhan yahay oo dhex marta dhammaan daneeyayaasha si loo dhiso hannaan maaliyadeed oo adag oo waxtar leh, kaas oo taageera maareynta khataraha musiibooyinka iyo dadaallada lagu xoojinayo adkeysiga bulshada ee dalka oo dhan.

XIGASHO:SONNA