| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyay Jadwalka Doorashada Hoggaanka Koonfur Galbeed
Gudbinta codsiyada musharraxiinta u tartamaya xilka Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dhici doonta inta u dhaxaysa 5’ta ilaa 6’da Juun, halka liiska rasmiga ah ee musharraxiinta la shaacin doono 7’da bisha Juun.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyay Jadwalka Doorashada Hoggaanka Koonfur Galbeed
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyay Jadwalka Doorashada Hoggaanka Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Qaranka ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha (NIEBC) ayaa shaaciyay jadwalka doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Sida ku cad jadwalka, gudbinta codsiyada musharraxiinta Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Golaha, iyo sidoo kale soo saarista liiska kama dambaysta ah ee musharraxiinta, waxay dhici doontaa inta u dhaxaysa 2’da ilaa 3’da bisha Juun.

4’ta Juun, musharraxiinta u tartamaya Guddoomiyenimada Golaha ayaa jeedin doona khudbadahooda ololaha doorashada, waxaana isla maalintaas la qaban doonaa doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Golaha Wakiillada.

Gudbinta codsiyada musharraxiinta u tartamaya xilka Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dhici doonta inta u dhaxaysa 5’ta ilaa 6’da Juun, halka liiska rasmiga ah ee musharraxiinta la shaacin doono 7’da bisha Juun.

Musharraxiinta u tartamaya hoggaanka Koonfur Galbeed ayaa jeedin doona khudbadahooda ololaha doorashada 8’da Juun.

Doorashada Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa loo qorsheeyay in ay qabsoonto 10’ka Juun, iyadoo la raacayo jadwalka doorashada ee uu soo saaray Guddigu.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Taliyaha Ciidanka Lugta Soomaaliya oo Qaabilay Wafdi Ciidan oo ka Socda Talyaaniga
Wasiirka Maaliyadda XFS oo la Kulmay Bangiga Horumarinta Afrika si loo Dardargeliyo Maalgashiga
Dowladda Federaalka oo Adkaysay Waajibaadka Amniga, Kana Hortimid Dib Ugu Noqoshada Doorasho Dadban
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo Ciidda Udxiyada u Diray Shacabka Soomaaliyeed
Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarka Argagixiso ee ka dhacay Pakistan tacsina u dirtay shacabka
Taliyaha Booliiska Banaadir oo Ka Digay Isku Dayo Lagu Khalqal Gelinayo Amniga Muqdisho
Boqolaal dhalinyaro ah oo Muqdisho ku qabtay bannaanbax nabadeed oo lagu asteeyey “Codka Caasimadda”
Ciidanka Sudan oo Qabsaday Deegaan ku Dhow Xadka Itoobiya kadib Dagaallo ay la Galeen RSF
Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha oo Beijing ku Qabatay Xuska Maalinta Afrika
Siddeed iyo toban dal oo cambaareeyay qorshaha Somaliland ay ku furayso “safaarad” Qudus la haysto
Soomaaliya oo Hormuud ka Noqotay Istaraatiijiyadda La-dagaallanka Argagixisada
Danjiraha Soomaaliya Yuusuf Axmed Xasan oo Warqadaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Mauritania
Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo Ka Arrinsaday Dardargelinta Amniga iyo Adeegyada Dadweynaha
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Qaabilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya
Ciidanka Suudaan oo Ku Dhawaaqay inay La Wareegeen Deegaanka Khor Hassan ee Gobolka Blue Nile
Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shirweynaha 64-aad ee Wasiirrada Caafimaadka Carabta ee Geneva
Soomaaliya oo Xoojisay Dadaallada Lagu Sii Daynayo Badmaaxiinta laga Afduubtay Markabka Shiinaha
Maamulka Banaadir oo Muqdisho ka Daahfuray Ololaha Qalliimada Wadnaha ee 11 Carruur ah
Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Danjiraha Turkiga oo Ka Wadahadlay Xoojinta Iskaashiga Militariga