Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Afrika iyo Kuuriya ee ka socda magaalada Seoul ee Jamhuuriyadda Kuuriya.
Shirkan ayaa isu keenaya wasiirrada arrimaha dibadda iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala socda dalalka Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya si ay uga wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, loo horumarin lahaa koboc waara, loona dardargelin lahaa danaha wadajirka ah ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda, iyo iskaashiga caalamiga ah.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee shirkan ayaa ka tarjumaya sida Dowladda Federaalka uga go’an tahay ballaarinta xiriirrada diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee ay la leedahay dalalka saaxiibka la ah, iyadoo diiradda la saarayo kobcinta iskaashiyo wax ku ool ah, soo jiidashada maalgashiga, dhiirrigelinta hal-abuurka, iyo xoojinta awoodda hay’adaha.
Shirka Wasiirrada Afrika iyo Kuuriya wuxuu yahay madal muhiim ah oo loogu talagalay wada-hadalka iyo iskaashiga u dhexeeya dalalka Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya, iyadoo looga arrinsanayo caqabadaha wadajirka ah isla markaana loo gaari lahaa horumar waara.


























