Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa Sabtidii ugu baaqay dalalka soo rogay xayiraadaha safarka isla markaana xiray xuduudahooda kadib dillaaca cudurka Ebola ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Uganda inay dib uga fiirsadaan tallaabooyinkaas.
Kanada iyo Mareykanka ayaa soo rogay xayiraado safar iyo hakinta fiisooyinka dadka degan DR Congo, Uganda, iyo Koonfur Suudaan, iyagoo sabab uga dhigay dillaaca cudurka.
Rwanda iyo Uganda ayaa sidoo kale xaddiday safarrada ka imanaya DR Congo, iyadoo labadan dalba ay xuduud la wadaagaan dalkaasi.
Dadka ajnabiga ah ee 30-kii maalmood ee la soo dhaafay soo maray DR Congo ayaa la ogeysiiyey sidoo kale in aan loo oggolayn inay galaan Rwanda.
Tedros ayaa ka hadlayay shir jaraa’id oo ka dhacay magaalada Bunia, caasimadda gobolka Ituri isla markaana ah xudunta safmarka Ebola, Isaga oo sheegay in midnimo iyo iskaashi ay yihiin hubka ugu wanaagsan ee lagaga hortagi karo cudurka Ebola, halka xayiraadaha safarkuna ay niyad-jabin karaan daahfurnaanta warbixinta kiisaska cudurka.
Wuxuu ugu baaqay bulshooyinka deegaanka inay sii ahaadaan udub-dhexaadka dadaallada lagula tacaalayo nooca Bundibugyo ee Ebola, kaas oo aan hadda lahayn tallaal ama daaweyn la ansixiyay.
“Uma joogno inaan dadka u sheegno waxa ay samaynayaan. Waxaan u joognaa inaan dhageysanno,” ayuu yiri. “Bulshooyinku waxay fahamsan yihiin caqabadahooda iyo xalalkooda. Doorkeenna waa inaan idinku taageerno si si wadajir ah loogu hirgeliyo xalalkaas,” ayuu raaciyay.
Ugu yaraan 134 kiis oo la xaqiijiyay ayaa laga diiwaangeliyay dillaaca hadda ka socda Congo iyo Uganda, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee WHO oo la soo saaray Jimcihii.
Tirada dhimashada Ebola ayaa gaartay 18 qof oo ka mid ah kiisaska la xaqiijiyay ee labada dal.
Mas’uuliyiinta caafimaadka Congo ayaa sheegay in wali la diiwaangelinayo kiisas cusub oo laga shakisan yahay, iyadoo tirada guud ee kiisaska la diiwaangeliyay ay ka badan tahay 1,000 qof, tan iyo markii cudurka lagu dhawaaqay 15-kii May.
Nooca Bundibugyo ee Ebola ayaa si weyn uga jira saddex gobol oo ku yaalla bariga Congo, kuwaas oo kala ah Ituri, North Kivu, iyo South Kivu.























