| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo Nuqullada Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ka Guddoontay Afar Safiir oo Cusub
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa nuqullada waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee Mali, Nigeria, Pakistan iyo Myanmar, isagoo xaqiijiyay sida Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dalalkaas
Soomaaliya oo Nuqullada Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ka Guddoontay Afar Safiir oo Cusub
Soomaaliya oo Nuqullada Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ka Guddoontay Afar Safiir oo Cusub / SONNA

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali Cabdi, ayaa nuqullada waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay afar safiir oo cusub oo loo soo magacaabay Soomaaliya, kuwaas oo kala ah Dr. Madou Diallo oo ka socda Jamhuuriyadda Mali, Danlami Ibrahim oo ka socda Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Aqsa Nawaz oo ka socota Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan iyo Aung Min Oo oo ka socda Jamhuuriyadda Midowga Myanmar.

Gudbinta waraaqaha aqoonsiga ayaa si rasmi ah u calaamadeysay bilowga waajibaadka diblomaasiyadeed ee safiir kasta uu ka gudanayo Soomaaliya, kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay oggolaatay magacaabistooda.

Wasiirka ayaa soo dhoweeyay safiirrada, isagoo mar kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga ay la leedahay dalalka ay safiirradu matalaan.

XIGASHO:SONNA