| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Wasiirka Maamulka Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka ee Shiinaha
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa magaalada Beijing kula kulmay dhiggiisa Maamulka Raadiyaha iyo Telefishinka qaranka ee Shiinaha, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga warbaahinta, tababarrada xirfadeed iyo isdhaafsiga khibradaha.
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Wasiirka Maamulka Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka ee Shiinaha
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Wasiirka Maamulka Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka ee Shiinaha / SONNA

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa magaalada Beijing kulan laba geesood ah kula yeeshay Cao Shumin, Wasiirka Maamulka Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka Shiinaha.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada warbaahinta iyo dhaqanka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray casriyeynta warbaahinta, kobcinta awoodda hay’adaha, tababarrada xirfadeed iyo isdhaafsiga aqoonta iyo waayo-aragnimada.

Wasiir Cabdifataax ayaa Dowladda iyo shacabka Shiinaha uga mahadceliyay soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa. Wuxuu mar kale xaqiijiyay sida ay Wasaaradda uga go’an tahay casriyeynta waaxda warbaahinta Soomaaliya iyo ballaarinta iskaashiga wax-ku-oolka ah ee ay la leedahay hay’adaha warbaahinta Shiinaha.

Cao Shumin ayaa Wasiir Cabdifataax iyo wafdigiisa ku soo dhaweysay Shiinaha, waxayna muujisay sida Shiinuhu diyaar ugu yahay inuu sii xoojiyo iskaashiga uu la leeyahay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta heshiis iskaashi iyo mataaneyn dhinaca warbaahinta ah, kaas oo la filayo in la saxiixo dhammaadka sannadka 2026, isla markaana noqon doona qaab lagu sii joogteeyo iskaashiga hay’adaha iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

XIGASHO:SONNA