Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa si adag u diidday waxa ay ku tilmaantay “eedeymo aan sal lahayn, kicin ah, isla markaana been abuur ah” oo loo jeediyay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, iyadoo sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu isku dayayo inuu marin-habaabiyo ra’yiga caalamka.
Bayaan ay Wasaaraddu soo saartay Arbacadii ayaa lagu sheegay in eedeymaha loo jeediyay Madaxweyne Erdogan ay qayb ka yihiin dadaal ay Netanyahu iyo kuwa la shaqeeya ku doonayaan inay indhaha caalamka ka leexiyaan falalkooda.
“Eedeymaha aan salka lahayn, kicinta ah, iyo kuwa aan runta ku dhisnayn ee loo jeediyay Madaxweynaha sharafta leh ee dalkeenna waa isku day kale oo Netanyahu iyo kooxdiisu ku doonayaan inay marin-habaabiyan ra’yiga caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.
“Beenta uu adeegsanayo Netanyahu, oo khabiir ku ah xasuuqa dadka, si uu u qariyo xaqiiqooyinka jirta ma dabooli karto mas’uuliyadda dambiyada culus ee uu galay,” ayay Wasaaraddu intaas ku dartay.
Wasaaraddu waxay sheegtay in Turkigu sii wadi doono inuu si cad uga hadlo Netanyahu iyo dadka la shaqeeya, isla markaana uu ku dadaali doono in lala xisaabtamo iyadoo loo marayo hay’adaha garsoorka caalamiga ah.
“Anaga oo ah Turkiga, waxaan sii wadi doonnaa inaan si cad u sheegno xaqiiqooyinka ku saabsan Netanyahu iyo kuwa la shaqeeya. Waxaan si joogto ah ugu dadaali doonnaa in lagu la xisaabtamo maxkamadaha caalamiga ah falalka ka hor imanaya sharciga iyo qiyamka bani’aadannimada,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Dhanka kale, Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in weerarrada Israa’iil ku hayso Suuriya iyo Lubnaan ay gaareen heer ay sidoo kale khatar ku yihiin Turkiga, isagoo xusay in waxa uu ku tilmaamay “gardarrada Israa’iil” ay halis ku tahay dunida oo dhan, loona baahan yahay in la joojiyo.
Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale ka hadlay waxa uu ugu yeeray “mala-awaalka Dhulka Ballanqaadka ah” ee Israa’iil, isagoo sheegay in Turkigu si buuxda uga warqabo ujeeddada ugu dambeysa ee arrintaas.
“Ilaahay idinkiis, marna ma oggolaan doonno arrintaas,” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.






















