| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeeray Xerada Ciidanka ee Maslax
Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta awoodda howlgal ee xerada, ogaanshaha baahiyaha jira iyo dib u eegista qorshayaasha lagu xoojinayo u diyaargarowga ciidamada, kor u qaadista waxqabadka iyo tayeynta hufnaanta howlgallada.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeeray Xerada Ciidanka ee Maslax
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeeray Xerada Ciidanka ee Maslax

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Axaddii kormeer shaqo ku tegay Xerada Ciidanka ee Maslax ee magaalada Muqdisho si uu u qiimeeyo heerka u diyaargarowga howlgalka, howlaha ka socda iyo xaaladda guud ee xerada.

Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta awoodda howlgal ee xerada, ogaanshaha baahiyaha jira iyo dib u eegista qorshayaasha lagu xoojinayo u diyaargarowga ciidamada, kor u qaadista waxqabadka iyo tayeynta hufnaanta howlgallada.

Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud waxaa xerada ku soo dhaweeyay Gaashaanle Cabdullaahi Cismaan Jimcaale, Taliyaha Guutada 73-aad ee Booliska Milatariga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo warbixin ka siiyay xaaladda amni ee xerada, howlaha socda iyo horumarka laga sameeyay gudashada waajibaadka ciidanka.

Kormeerka waxaa sidoo kale ka qayb galay Taliyaha Taliska Saadka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, saraakiil sare oo ka tirsan Taliska Ciidanka iyo saraakiil kale oo ciidan.

XIGASHO:SONNA