Intii uu socday kulanka 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Jaaliyadaha ee Kenya, Musalia W. Mudavadi.
Labada wasiir ayaa ka wada hadlay horumarradii ugu dambeeyay ee la xiriira arrimaha socdaalka, waxayna ku heshiiyeen in la xoojiyo iskaashiga dhinaca adeegyada qunsuliyadaha iyo isu socodka dadka ee u dhexeeya labada dal.
SHEEKOOYIN KALE
Labada dhinac ayaa sidoo kale dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, gaar ahaan arrimaha muhiimka u ah xasilloonida gobolka.
XIGASHO:SONNA



























