Soomaaliya ayaa ka qayb galaysa Shirweynaha 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika (Africa Maritime Forces Summit - AMFS), oo ka socda magaalada Rabat ee dalka Morocco intii u dhexeysay 20’kii ilaa 24’tii Luulyo 2026, iyadoo uu dalka ku matalayo Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar.
Shirkan ayaa isu keenaya hoggaamiyeyaasha ciidamada badda ee in ka badan 40 dal oo Afrikaan ah iyo ku dhowaad 20 dal oo bahwadaag ah si ay uga wada hadlaan xoojinta amniga badda, kor u qaadista iskaashiga gobolka iyo wax ka qabashada caqabadaha ay wadaagaan.
Shirkan oo hal-ku-dhiggiisu yahay "Hal-abuur iyo Iskaashi Lagu Xoojinayo Amniga Badda", ayaa diiradda saaraya horumarinta la socodka xaaladaha badda, la dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah, burcad-badeedda iyo dambiyada ka gudba xuduudaha, iyadoo sidoo kale la xoojinayo isdhaafsiga xogta iyo iskaashiga howlgallada ee u dhexeeya ciidamada badda Afrika, ilaalada xeebaha iyo bahwadaagta caalamiga ah.
Shirkan oo sannad kasta la qabto ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta dadaallada Afrika ay hoggaaminayso ee sugidda amniga badda, kor u qaadista awoodda hay’adaha iyo sii xoojinta iskaashiyada taageera xasilloonida gobolka iyo amniga ganacsiga badda ee qaaradda.























