| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray amniga badda, la dagaallanka burcad-badeedda, iyo kor u qaadista awoodda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Ilaalada Xeebaha iyo Ciidanka Badda Soomaaliyeed iyadoo loo marayo tababarro iyo taageero farsamo.
Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga
Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa Arbacadii la kulmay Safiirka Jamhuuriyadda Kuuriyada Koonfureed u fadhiya Soomaaliya, Kang Hyung-shik, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca amniga.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray amniga badda, la dagaallanka burcad-badeedda, iyo kor u qaadista awoodda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Ilaalada Xeebaha iyo Ciidanka Badda Soomaaliyeed iyadoo loo marayo tababarro, taageero farsamo iyo is-weydaarsiga khibradaha.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Jamhuuriyadda Kuuriyada Koonfureed taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga si loo horumariyo amniga, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

XIGASHO:SONNA