| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Amniga Gudaha oo Daah-furay Shirweynaha Wadatashiga Amniga ee DF iyo DG-yada
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda hay’adaha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, si loo dardargeliyo dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka, xasilloonida, iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Amniga Gudaha oo Daah-furay Shirweynaha Wadatashiga Amniga ee DF iyo DG-yada
Wasiirka Amniga Gudaha oo Daah-furay Shirweynaha Wadatashiga Amniga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa shalay si rasmi ah u furay Shirweynaha Wadatashiga Amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda hay’adaha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, si loo dardargeliyo dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka, xasilloonida, iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guud Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), iyo mas’uuliyiin kale oo sare oo ka tirsan hay’adaha amniga dalka.

Isagoo ka hadlayay munaasabadda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Maxamed Shire, ayaa sheegay in shirkan laga filayo inuu soo saaro talooyin iyo go’aanno muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga amniga iyo mideynta dadaallada lagu xaqiijinayo nabad iyo amni waara oo dalka oo dhan ka hanaqaada.

Shirweynahan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo wada-shaqeynta hay’adaha amniga Soomaaliya, si loo wajaho caqabadaha amni ee jira loona xoojiyo xasilloonida iyo dowlad-dhiska dalka.

XIGASHO:SONNA