| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wafdi ka socda Baarlamaanka DFS oo ka qayb galay Shirka 2-aad ee Golaha Baarlamaanka Aasiya & Afrika
Shirweynahan ayaa lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada qaaradood, doorka baarlamaannada ee taageeridda nabadda iyo amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo hirgelinta himilooyinka horumar waara.
Wafdi ka socda Baarlamaanka DFS oo ka qayb galay Shirka 2-aad ee Golaha Baarlamaanka Aasiya & Afrika
Wafdi ka socda Baarlamaanka DFS oo ka qayb galay Shirweynaha 2-aad ee Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi matalayay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb galay Shirweynaha 2-aad ee Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika, kaas oo lagu qabtay magaalada Benghazi ee dalka Liibiya.

Shirweynahan oo halku-dhiggiisu ahaa “Aragtida Mustaqbalka ee Xiriirka Aasiya iyo Afrika” ayaa lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada qaaradood, doorka baarlamaannada ee taageeridda nabadda iyo amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo hirgelinta himilooyinka horumar waara. Sidoo kale, waxaa la isla eegay muhiimadda dejinta aragti mideysan oo hagta xiriirka Aasiya iyo Afrika sannadaha soo socda.

Mudadii uu shirku socday, wafdiga Soomaaliya ayaa jeediyay khudbado ay ku adkeeyeen muhiimadda wada shaqeynta baarlamaannada, is-weydaarsiga khibradaha sharci-dejinta, iyo xoojinta xiriirka u dhexeeya dalalka labada qaaradood si wadajir looga wajaho caqabadaha jira.

Xubnaha wafdiga Soomaaliyeed ayaa sidoo kale soo bandhigay talooyin muujinaya sida Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta iyo ixtiraamka shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay, gaar ahaan kuwa la xiriira dhowrista madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha.

Gabagabadii shirweynaha, waxaa la doortay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika ee afarta sano ee soo socota, waxaana xilkaas ku guuleystay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Liibiya, Aguila Saleh Issa.

XIGASHO:SONNA