Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (ICRIC), Burhaan Aadan Cumar, ayaa soo saaray tilmaamo dib loogu adkaynayo qeexitaannada rasmiga ah ee Calanka Qaranka, Astaanta Qaranka, iyo Heesta Qaranka Soomaaliya.
War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray isaga oo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah ee ku xusan Cutubka 15-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (2026), ayaa lagu sheegay in Calanka Qaranka iyo Astaanta Qaranka si baahsan loogu isticmaalay midabbo aan sax ahayn, taas oo dhalisay jahawareer ku saabsan muuqaalkooda rasmiga ah.
Guddigu wuxuu faray dhammaan hay’adaha dowladda, muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyo cid kasta ama hay’ad kasta oo isticmaasha Calanka Qaranka iyo Astaanta Qaranka inay si buuxda ugu hoggaansamaan midabka rasmiga ah ee ku qeexan Jadwalka Koowaad (A) iyo Jadwalka Koowaad (B) ee Dastuurka. Midabka buluugga khafiifka ah ee la ansixiyay ayaa leh Hex Code #B5D7F1 iyo qiimaha RGB (Red, Green, Blue): (181, 215, 241).
War-saxaafadeedku wuxuu sidoo kale dib u xaqiijiyay in nuqulka rasmiga ah ee dhammaystiran ee Heesta Qaranka Soomaaliya uu yahay kan ku qoran Jadwalka Koowaad (C) ee Dastuurka.
Guddigu wuxuu ka digay in hay’ad kasta ama mas’uul kasta oo si khaldan u isticmaala Calanka Qaranka, Astaanta Qaranka, ama Heesta Qaranka laga qaadi doono tallaabo sharci ah si waafaqsan shuruucda dalka.
Sidoo kale, dhammaan xafiisyada Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka waxaa lagu faray inay Calanka Qaranka ka taagaan xarumahooda si waafaqsan shuruudaha Dastuurka.























