Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa maanlinkii Axadda gaaray dalka Kenya booqasho shaqo oo hal maalin ah, halkaas oo uu kulan kula yeeshay dhiggiisa Kenya, Madaxweyne William Ruto, Gobolka Narok.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo dib u xaqiijiyay iskaashiga xooggan iyo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada dal.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada amniga, ganacsiga, dhaqaalaha, iyo arrimaha gobolka, iyadoo labada hoggaamiye ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay iskaashiga joogtada ah ee lagu horumarinayo danaha wadajirka ah iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya.





















