Shir heer sare ah oo ku saabsan hirgelinta Hab-maamuuska Urur-Goboleedka IGAD ee Dhaqdhaqaaqa Xorta ah ee Dadka ayaa Talaadadii ka furmay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qayb galayaan mas’uuliyiin dowladeed iyo khubaro farsamo si loo horumariyo isdhexgalka gobolka loona fududeeyo isu socodka dadka ee u dhexeeya dalalka xubnaha ka ah IGAD.
Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa isugu imaaday wakiillo ka socda hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee qaabilsan arrimaha socdaalka, maareynta xuduudaha iyo iskaashiga gobolka. Ka qaybgalayaasha ayaa la filayaa inay ka doodaan tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu hirgelinayo hab-maamuuska iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya dalalka xubnaha ka ah IGAD.
Isagoo ka hadlay furitaanka shirka, Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamuud Yuusuf (Burgal), ayaa soo dhaweeyay ergooyinka, wuxuuna bogaadiyay qabsoomidda shirkan heerka sare ah ee ka dhacay Muqdisho. Wuxuu sheegay in kulankani uu muujinayo sida ay uga go’an tahay dalalka IGAD inay sii xoojiyaan iskaashiga gobolka iyo kor u qaadidda isu socodka xorta ah ee dadka.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya IGAD, Maxamuud Karshe, ayaa ka warbixiyay horumarka laga gaaray hirgelinta hab-maamuuskan, isagoo xusay in geeddi-socodkiisu uu socday tan iyo sannadkii 2017. Wuxuu sheegay in IGAD ay sii waddo dadaallada lagu dhisayo nidaam socdaal oo aan fiiso u baahnayn iyo habab kale oo fududeynaya isu socodka dadka, xoojinaya isdhexgalka gobolka, isla markaana taageeraya horumarka dhaqaale ee dalalka xubnaha ka ah ururka.
Danjiruhu wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaallada ay ku bixinayso hirgelinta heshiiskan iyo xoojinta iskaashiga gobolka iyada oo loo marayo barnaamijyada IGAD.
Shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada ballaaran ee Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga ay la leedahay ururrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin IGAD iyo Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyadoo dalka uu doonayo inuu kobciyo ganacsiga, isu socodka dadka, iyo xiriirka dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee Geeska Afrika iyo Bariga Afrika.



















