Guddoomiyaha Ku-meel-gaarka ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa Sabtidii gaartay magaalada Baydhabo, iyadoo hoggaaminaysa wafdi baarlamaan si ay uga qaybgalaan munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madobe).
Wafdiga ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madobe), wasiirro iyo xildhibaanno ka kala socday Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, odayaal dhaqameed, iyo wakiillo ka socday bulshada deegaanka.
Booqashadan ayaa ka horreysa munaasabadda rasmiga ah ee caleemo-saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, taas oo la filayo inay qabsoonto maalmaha soo socda, isla markaana ay ka soo qaybgalaan mas’uuliyiin sare oo ka socota Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka.
Munaasabaddan ayaa loo arkaa dhacdo siyaasadeed oo muhiim ah, iyadoo Soomaaliya ay sii waddo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka, iyadoo ay barbar socdaan hawlaha dhismaha dowladnimada iyo xoojinta amniga.



















