| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo Booqday Ciidamada Ku sugan Jiidda Hore
Wafdiga oo dhulka ku tagay jiidda hore ayaa la kulmay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna warbixin ka dhageysteen saraakiisha ciidamada.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo Booqday Ciidamada Ku sugan Jiidda Hore
Taliyaha CXD iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo Booqday Ciidamada Jiidda Hore iyadoo Howlgallada Milatari ay Sii Xoogeysanayaan

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Sabtidii booqday ciidamada ku sugan jiidda hore ee degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud si ay u kormeeraan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab una dhiirrigeliyaan ciidamada.

Wafdiga oo dhulka ku tagay jiidda hore ayaa la kulmay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna ka dhageysteen saraakiisha ciidamada warbixin ku saabsan xaaladda amniga iyo horumarka laga gaaray furimaha dagaalka.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa ku ammaanay ciidamada geesinimadooda iyo dadaalkooda, isagoo ku boorriyay inay sii laba jibbaaraan howlgallada, feejignaantana ilaaliyaan, isla markaana xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin bulshada deegaanka si loo ciribtiro khatarta Al-Shabaab loona soo celiyo amni waara.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa isaguna ku bogaadiyay ciidamada adkeysigooda iyo guulihii ay dhowaan ka gaareen furimaha dagaalka. Wuxuu ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan dardargelinta howlgallada, isla markaana ilaaliyaan midnimada iyo wadajirka inta ay socdaan hawlgallada milatari.

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu taageerayo ciidamada ku sugan jiidda hore iyo dardargelinta ololaha qaran ee dib loogu xoreynayo deegaannada ay weli gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Wafdiga waxaa sidoo kale ka mid ahaa Taliyaha Taliska Taageerada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Maxamuud Xuseen (Garabey), iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada.

XIGASHO:SONNA