Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amartay in dhammaan hay’adaha dowladda ay calanka qaranka hoos u dhigaan, si loogu baroordiiqo geerida Amiirkii hore ee Qatar, Sheekh Xamad Bin Khaliifa Al Thaani.
Amarkan ayaa lagu bixiyay iyadoo la fulinayo awaamiirta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, waxaana lagu sheegay inuu yahay muujin garab istaag, walaaltinimo iyo la qaybsiga murugada shacabka iyo hoggaanka Dowladda Qatar xilligan ay ku jiraan.
SHEEKOOYIN KALE
Dowladdu waxay sheegtay in hoos u dhigista calanka qaranku ay ka tarjumayso tacsida Soomaaliya iyo xiriirka dhow ee kala dhexeeya Qatar, iyadoo mar kale xaqiijisay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.
XIGASHO:SONNA























