| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-dhigay Xarunta Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
Ra'iisul Wasaaraha ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay horumarinta kaabeyaasha hay’adaha qaranka si loo xoojiyo adeegyada loo fidinayo shacabka loona ballaariyo fursadaha ganacsiga iyo maalgashiga.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-dhigay Xarunta Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-dhigay Xarunta Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Sabtidii dhagax-dhigay dib u dhiska xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, taas oo qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka ay ku xoojinayso hay’adaha muhiimka ah ee dowladda isla markaana ku taageerayso kobaca dhaqaalaha.

Isagoo ka hadlayay munaasabadda, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaduhu ay door dhexe ka qaadato horumarinta ganacsiga, kor u qaadidda wax-soo-saarka gudaha, soo jiidashada maalgashiga, iyo abuurista jawi ku habboon ganacsiga.

“Dib u dhiska xarunta wasaaradda oo ku dhowaad 50 sano jirtay waa tallaabo muhiim ah. Wasaaraddu waa hay’ad qaran oo hormuud u ah horumarinta ganacsiga iyo kobcinta wax-soo-saarka dalka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Wuxuu mar kale xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay horumarinta kaabeyaasha hay’adaha qaranka si loo xoojiyo adeegyada loo fidinayo shacabka loona ballaariyo fursadaha ganacsiga iyo maalgashiga.

“Dalkeenna wuxuu ku sii socdaa jidka horumarka iyo kordhinta wax-soo-saarka, waxaana la filayaa in mustaqbalka dhow laga hirgeliyo warshado badan oo ay leeyihiin maalgashadeyaal Soomaaliyeed iyo kuwo shisheeye,” ayuu raaciyay.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku ammaanay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Jamaal Maxamed Xassan, doorkii uu ka qaatay hirgelinta mashruuca dib u dhiska xarunta wasaaradda, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda wasaaradda laguna horumarinayo adeegyada ay bixiso.

XIGASHO:SONNA