| Somali
CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee QM oo Ku Baaqay in si Degdeg ah loo Joojiyo Dagaallada Bariga DRC
War-saxaafadeed uu soo saaray, Volker Türk ayaa cambaareeyay saameynta ay shacabka rayidka ah ku yeesheen dagaalladii dhowaan ka dhacay gobolka Koonfur Kivu, isagoo ku baaqay dadaallo mideysan oo heer qaran iyo heer caalami ah si loo dejiyo xiisadda.
Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee QM oo Ku Baaqay in si Degdeg ah loo Joojiyo Dagaallada Bariga DRC
Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee QM oo Ku Baaqay in si Degdeg ah loo Joojiyo Dagaallada Bariga DRC

Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii ku baaqay in si “degdeg ah” loo soo afjaro dagaallada ka socda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ee u dhexeeya ciidamada dowladda Congo iyo kooxda fallaagada ah ee AFC/M23.

War-saxaafadeed uu soo saaray, Volker Türk ayaa cambaareeyay saameynta ay shacabka rayidka ah ku yeesheen dagaalladii dhowaan ka dhacay gobolka Koonfurta Kivu, isagoo ku baaqay dadaallo mideysan oo heer qaran iyo heer caalami ah si loo dejiyo xiisadda.

Baaqan ayaa yimid iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dagaalladu ay dib uga sii xoogeysteen deegaannada Fizi iyo Mwenga ee gobolka Koonfurta Kivu, halkaas oo ay ku dagaallamayaan ciidamada dowladda Congo iyo kooxda M23 oo la sheegay inay taageerto Rwanda.

Ilo deegaanka ah iyo hay’ado bani’aadannimo ayaa soo sheegay dagaallo culus, iyadoo la sheegay in labada dhinacba ay adeegsanayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubeysan, madaafiic culus iyo hub kale oo qarxa oo lagu isticmaalay goobaha ay shacabka ku nool yihiin, taas oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah oo badan.

“Waa arrin aad looga naxo in inkastoo heshiisyo lagu gaaray geeddi-socodyada nabadeed ee socda, haddana dagaalladu ay weli si aan kala joogsi lahayn uga socdaan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyagoo dilaya, dhaawacaya, barakicinaya shacabka isla markaana burburinaya ilaha ay ku noolyihiin,” ayuu yiri Türk.

“Waxaan ugu baaqayaa ciidamada dowladda Congo iyo M23 inay si degdeg ah uga laabtaan rabshadaha, isla markaana ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu dejinayo xiisadda. Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa labada dhinac inay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu ilaalinayo shacabka ku sugan Mulima iyo guud ahaan dhulka sare ee Fizi iyo Mwenga. Adeegsiga hubka qarxa ee saamaynta ballaaran leh ee lagu isticmaalo goobaha ay dadku deggan yihiin wuxuu leeyahay cawaaqib aad u ba’an, waana in la joojiyaa,” ayuu raaciyay.

Horaantii Axaddii, ciidamada dowladda Congo ayaa bayaan ay soo saareen ku eedeeyay fallaagada AFC/M23 inay weerarro dhimasho sababay ku qaadeen dhowr deegaan oo ka tirsan gobollada Koonfurta Kivu iyo Waqooyiga Kivu.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in duqeymihii dhacay Sabtidii iyo Axaddii ay “beegsadeen deegaanno ay dadku deggan yihiin, ayna sababeen dhimasho iyo burbur hantiyeed oo weyn oo soo gaaray shacabka rayidka ah.”

Hase yeeshee, afhayeenka ciidamada dowladda, Reagan Mbuyi Kalonji, ayaa Talaadadii u sheegay warfidiyeenka in ciidamada dowladda ay dib ula wareegeen saddex goobood oo istaraatiiji ah oo ku yaalla gobolka Koonfurta Kivu, kuwaas oo kala ah Kimete, Wihene iyo Kashamata ee dhulka Fizi, kadib dagaallo culus oo ay la galeen fallaagada M23.

Bishii hore, Congo iyo Rwanda ayaa isku raacay inay “si degdeg ah u yareeyaan xiisadda” ka taagan gobolka Koonfurta Kivu, halkaas oo uu dhowaan ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeya kooxda AFC/M23 iyo ciidamada dowladda, kadib shirkii lixaad ee Guddiga Wadajirka ah ee Kormeerka oo lagu qabtay magaalada London.

Si kastaba ha ahaatee, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah, dagaallada u dhexeeya AFC/M23 iyo ciidamada dowladda ayaa maalmihii u dambeeyay sii xoogeystay.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in dagaallada sii kordhaya ee gobolka ay horseedi karaan in dad rayid ah oo badan u qaxaan dalalka deriska ah, isla markaana ay sababaan xadgudubyo iyo tacaddiyo dheeraad ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, oo ay ku jiraan dilal sharci darro ah iyo tacaddiyo galmo oo la xiriira colaadda.

XIGASHO:َAA
Raadi Warar Kale
Soomaaliya iyo IFAD oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xoolaha iyo Adkeysiga Bulshooyinka Xoolo-dhaqatada ah
RW Xamze oo Arday Qalin-jabisay ugu Baaqay inay Aqoontooda uga Faa’iideeyaan Horumarka Qaranka
Toddoba qof oo hal qoys ah oo ku nafwaayey doon tahriibiyaal sidday oo ku degtay xeebaha Tuniisiya
Turkiga iyo 11 dal oo si wadajir ah u cambaareeyay duqeymaha Israa’iil ay ku beegsatay Suuriya
Masar oo Sheegtay inay Difaacayso Amniga Biyaha Xilli Itoobiya Qorshaynayso Biyo-xireenno Cusub
Wasiirka Amniga Dowladda Federalka Soomaaliya oo kulan la yeeshay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya
Wasiirka Warfaafinta JFS oo Beijing Kaga Qaybgalaya Madasha Warbaahinta Shiinaha iyo Afrika
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir-guddoomiyay kulankiisii ugu horreeyay ee Guddiga Joogtada ah
Wasiir Fidan oo dhiggiisa Masar iyo Sacuudiga kala hadlay qorshaha nabadda Qaza
870 Muwaadiniin Suudaaniyiin ah oo si iskood ah dib ugu laabtay dalkooda: Masar
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ka Guddoomay Toddobo Safiir oo Cusub
Dhimashada Maroodiyada Kenya: Ma Cudur Dahsoon ayaa Dilaya?
200,000 oo Qof oo Kale oo Ku Barakacay Suudaan Xilli Colaadda ay Sii Xoogeysanayso: QM
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo La Kulmay Safiirka Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Wasiirka Maamulka Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka ee Shiinaha
Muqdisho oo laga xusay 15-guuradii kasoo wareegtay booqashadii taariikhiga ahayd ee MW Erdogan
Xoghayaha Guud ee AfCFTA oo La Kulmay Ururrada Shaqaalaha Xilli Hirgelinta Heshiisku Bilowday
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u Diray Madaxweynaha La Doortay ee Zambia
Soomaaliya oo Nuqullada Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ka Guddoontay Afar Safiir oo Cusub
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee CXDS oo Kormeeray Fariisimaha Ciidanka ee Jiidda Hore ee Gobolka Hiiraan