Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), S/Guuto Madeey Nuureey Sheekh (Ufurow), ayaa xarunta Taliska CXDS ee Muqdisho ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Turkiga ee ka hawl-gala Soomaaliya, S/Gaas Sebahattin Kalkan.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda, gaar ahaan dhinacyada tababarka, horumarinta ciidamada, iyo sare u qaadista hawlgallada amniga.
Labada taliye ayaa mar kale caddeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo door weyn ka qaata dib u dhiska iyo kobcinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
S/Guuto Madeey Nuureey Sheekh (Ufurow) ayaa sidoo kale uga mahadceliyay S/Gaas Sebahattin Kalkan booqashadiisa qiimaha leh, isagoo xusay in taageerada ay bixiso dowladda Turkiga ay weli tahay mid muuqata oo wax ku ool ah.























