| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Waddamada Afrika oo Nairobi uga arrinsaday joojinta dhoofinta macdanta ceeriin
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray istaraatiijiyad cusub oo qaaraddu ay ku doonayso in ay kaga gudubto dhoofinta macdanta ceeriin, iyadoo beddelkeeda la dhiirrigelinayo in sifeynta iyo warshadaynta lagu dhex sameeyo dalalka Afrika.
Waddamada Afrika oo Nairobi uga arrinsaday joojinta dhoofinta macdanta ceeriin
Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta, Daahir Shire Maxamed, oo Nairobi uga qeyb galay kulan looga arrinsaday joojinta dhoofinta macdanta ceeriin / Social Media

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa martigelisay Shirweynaha Maalgashiga iyo Bandhigga Macdanta Kenya ee 2026 (MICE 2026), kaas oo kulmiyay wasiirro, maalgashadayaal, iyo khubaro ku xeel-dheer warshadaha soo-saaridda kheyraadka dabiiciga ah ee qaaradda Afrika.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray istaraatiijiyad cusub oo qaaraddu ay ku doonayso in ay kaga gudubto dhoofinta macdanta ceeriin, iyadoo beddelkeeda la dhiirrigelinayo in sifeynta iyo warshadaynta lagu dhex sameeyo dalalka Afrika, si kor loogu qaado qiimaha kheyraadka, isla markaana loo abuuro fursado shaqo iyo koboc dhaqaale oo waara.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xilligan dadaal ugu jirta in ay ka faa’iidaysato kheyraadkeeda dihin, ayaa madashan si weyn uga dhex muuqatay, iyadoo uu matalayay Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta, Daahir Shire Maxamed, oo uu wehliyo Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Wasiir Daahir oo khudbad istaraatiiji ah ka jeediyay shirka, ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay haatan diyaar u tahay dhiirrigelinta maalgashiga iyo adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah si ay si buuxda ugala soo baxdo kheyraadkeeda.

Wuxuu warbaahinta u sheegay in ujeeddada ugu weyn ee wafdigiisu ay tahay in ay waayo-aragnimo iyo khibrad dhinaca maaraynta ah ka kororsadaan dalalka Afrika ee muddada dheer ku soo jiray faa’iidaysiga macdanta. Doorka dublomaasiyadeed ee Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayaa qayb weyn ka qaatay xaqiijinta isku-xirkan heerka gobol ah.

Dhanka kale, wasiirka macdanta ee dalka martida loo yahay ee Kenya, Hassan Ali Joho, ayaa bogaadiyay isku-duubnida ay muujiyeen dalalka qaaradda.

Wasiir Joho oo faahfaahinayay jawigii casho-sharaf lagu xirayay maalintii koowaad ee shirka, ayaa ku tilmaamay habeen xambaarsan faan iyo dhiirrigelin, kaas oo lagu abaalmariyay shakhsiyaadkii guulaha wax-ku-oolka ah ka gaaray warshadaha macdan-qodista.

Wuxuu xusay in madasha lagu maamuusay mudane Francis Kalinzoya oo la guddoonsiiyay ‘Abaalmarinta Hormuudka Macdan-qodista’, taas oo ka markhaati kacaysa raadka qotada dheer ee uu ku yeeshay waaxdan.

Isagoo la hadlayay wufuudda caalamiga ah, Wasiir Joho ayaa bogaadiyay wadahadallada macnaha weyn xambaarsan ee diiradda saarayay xaqiiqada dhabta ah ee haatan jirta iyo fursadaha mustaqbalka ee maalgashiga macdanta.

Ugu dambayn, wasiirka ayaa u mahadceliyay wasiirrada dhiggiisa ah ee madasha ka soo qaybgalay, kuwaas oo isugu jiray Wasiirka Macdanta Naajeeriya Dr. Oladele Henry Alake, Wasiirka Tansaaniya Anthony Mavunde, Wasiirka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed, iyo Wasiirka Koonfurta Suudaan Losuba Ludoru Wongo, isagoo ku tilmaamay joogitaankooda mid xoojinaya aragtida wadajirka ah ee lagu horumarinayo warshadaha macdanta ee Afrika.

Raadi Warar Kale
Marwada Koowaad Sahro Cumar Xasan oo Booqasho ku Tagtay Xarunta Daryeelka Carruurta Agoonta ah
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Kulan Lagu Xoojinayo Taageerada Xabsiyada la yeeshay Safiirka Shiinaha
Wasiirka Deegaanka XFS oo Ka Qaybgalay Madasha Afrika ee Horumarka Waara: Itoobiya
Soomaaliya oo Daahfurtay Mashruuca Bulsho ee Xoojinta Maamul Wanaagga iyo Dhismaha Nabadda
Wasiirka Dekadaha Cabdulqaadir oo la guddoonsiiyay abaalmarinta ‘Siyaasiga Ugu Saameynta Badan 2026’
Saddex ganacsade oo lagu toogtay bartamaha magaalada Johannesburg xilli ay quraacanayeen
QM oo si kulul u cambaaraysay weerarrada salka ku haya ajnabi-nacaybka ee Koonfur Afrika
Soomaaliya iyo ASYAD oo Ka Wadahadlay Iskaashi Istaraatiiji ah oo Ku Saabsan Dekedaha iyo Saadka
Carruurta Soomaaliyeed ee nafaqo-darradu hayso oo khatar ugu jira saamaynta dagaalka Iiraan
Soomaaliya & QM oo Muqdisho ka daah-furay wajiga 2aad ee mashruuca ilaalinta iyo nabadeynta haweenka
Xarunta Baarlamaanka Minnesota oo martigelisay Maalinta Soomaalida
Madaxweynaha Soomaaliya oo Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed kala hadlay nidaamka qof iyo cod
Diyaaradda Madaxweynaha Israa’iil Herzog oo gashay wareeg dheer kadib diidmo uga timi hawada Turkiga
Soomaaliya oo Horumarinaysa Dadaallada Maalgashiga Duulista Hawada
Shir-madaxeedka Caafimaadka qaaradda Afrika oo ka furmay Nairobi
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Turkiga TURKSOM
Soomaaliya iyo Cumaan oo Horumarinaya Iskaashi Maalgashi oo Istaraatiiji ah
Soomaaliya oo dardargelinaysa nidaaminta socdaalka shaqada iyo xakamaynta shirkadaha shaqaaleysiinta
Soomaaliya iyo Cumaan oo xoojinaya xiriirkooda istaraatiijiga ah
Ugu yaraan 17 tahriibayaal Soomaali ah oo ku geeriyooday xeebaha Aljeeriya