| Somali
TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Wargeyska The Daily Telegraph oo tirtirtay war been abuur ah oo laga qoray Erdogan
Warbaahinta British-ka ah ayaa tirtirtay war ay ku nisbeeysay hadallo kicin ah Madaxweynaha Turkiga kadib markii tifaftiraha uu qiray in oraahyadu ahaayeen “kuwo qadiim ah ama gebi ahaanba been abuur ah”.
Wargeyska The Daily Telegraph oo tirtirtay war been abuur ah oo laga qoray Erdogan
Madaxweyne Erdogan ayaa marar badan dhaleeceeyay eexda warbaahinta reer Galbeedka. / AP

Wargeyska The Daily Telegraph ayaa boggooda ka saaray maqaal si khaldan ugu nisbeeyay hadallo kicin ah Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, kadib markii tifaftiraha guud ee wargeyska uu qiray in oraahyadu ay ahaayeen “kuwo qadiim ah ama gebi ahaanba been abuur ah.”

Maqaalka, oo la daabacay Sabtidii 12-ka Abriil, ayaa sheegay in Erdogan uu ku hanjabay inuu duullaan ku qaadi doono Israa’iil, isagoo soo xigtay hadallo been abuur ah oo la sheegay inuu ka jeediyay munaasabad siyaasadeed.

Warbixintu waxay soo xigatay Madaxweynaha Turkiga isagoo leh, “Sida aan u galnay Liibiya iyo Karabakh, waxaan geli karnaa Israa’iil,” kuwaasoo ah hadallo been-abuur ah.

Tifaftiraha guud ee Telegraph, Paul Nuki, ayaa soo saaray bayaan kooban oo uu ku qiray khaladka. “Salaan, waan ka saarnay warbixinta. Oraahyadu waxay u muuqdaan kuwo qad8iim ah ama gebi ahaanba been abuur ah. waan ka raalli gelinayaa,” ayuu Nuki ku qoray baraha bulshada.

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan heerarka tafatirka ee mid ka mid ah wargeysyada ugu caansan Britain. Warbixintu waxay soo baxday xilli ay jireen xiisado dib u soo cusboonaaday oo ka taagan Bariga Dhexe kadib xabbad-joojin aan cago badan ku taagneyn, xilli ay macluumaad khaldan oo ku saabsan dhinacyada gobolka keeni karaan cawaaqib culus.

Dhanka kale, qaar ka mid ah warbaahinta reer galbeedka ayaa si isdaba-joog ah xilligan si khaldan u soo bandhiga mowqifyada siyaasadda dibadda ee Turkiga isla markaana qalloociya hadallada mas’uuliyiinta Turkiga.

Ankara ayaa marar badan ugu baaqday hay’adaha warbaahinta caalamiga ah inay ilaaliyaan heerarka aasaasiga ah ee saxaafadda marka ay ka warbixinayaan arrimaha Turkiga, iyadoo ka digtay in warbixinno been abuur ah ama ka baxsan macnaha saxda ah ay kicinayaan dareen ka dhan ah Turkiga isla markaana wiiqayaan dadaallada diblomaasiyadeed ee gobollada xasaasiga ah.

Si kastaba ha ahaatee, Wargeyska The Telegraph ayaan soo saarin sixitaan rasmi ah oo ka baxsan qoraalka kooban ee Nuki ku daabacay baraha bulshada.

XIGASHO:TRT World
Raadi Warar Kale
Is-ballaarinta Israa'iil waxay khatar ku tahay nabadda gobolka: Madaxweyne Erdogan
TRT oo 62-jirsatay: Madaxweyne Erdogan oo ammaanay doorka caalamiga ah ee warbaahinta TRT
Danjireyaal cusub oo waraaqaha aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Turkiga Erdogan
Xiriirka Turkigu waa “istaraatiiji,” gobolkuna wuu ka bixi doonaa dhibaatooyinka jira: Sacuudiga
Turkiga oo wada qorshe ay carruurta ka yar 15-jirka kaga ilaalinayso baraha bulshada
Garaadka Macmalka ah iyo kacaanka tiknoolajiyadda oo dib u qaabeynaya shaqaalaha caalamka: Erdogan
MW Erdogan oo garab istaag u muujiyay Trump kadib isku day weerar oo ka dhacay munaasabad casho
Turkiga oo ku dhawaaqay soo laabashada Formula 1 iyadoo Istanbul Park lagu daray jadwalka 2027
Turkiga oo mamnuucay isticmaalka baraha bulshada ee dhalinta ka yar 15 jirka: Badbaadada Dijitaalka
Turkiga oo ballaarinaya doorkiisa diblomaasiyadeed isagoo martigeliyay hoggaamiyeyaal caalami ah
Jabuuti: Madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo madaxda kale caalamka oo u hambalyaysay Geelle
Nigeria iyo Turkiga oo ku heshiiyay qorshe iskaashi difaaca ah intii uu socday Shirka Antalya
Duran: Rajada mustaqbalka dunidu waxay ku jirtaa baaqa Turkiga ee ah “Aan wadajir dunida u dhisno”
Israa’iil amniga ayay marmarsiiyo uga dhigataa si ay dhul badan u qabsato: Wasiir Fidan
Madaxweyne Xasan Sheekh: Turkigu door weyn ayuu ka qaatay diblomaasiyadda
Erdogan oo sheegay in nidaamka caalamiga ah uu marayo heer halis ah, kuna baaqay diblomaasiyad
Dalalka gobolka ayaa muhiim u ah nabadda iyo amniga: Erdogan
Madaxweynayaasha Turkiga iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay iskaashiga tamarta iyo arrimaha gobolka
Wasiirrada arrimaha dibadda Turkiga, Masar, Pakistan iyo Sacuudiga oo ku kulmaya Madasha Antalya
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo wadahadallo la yeeshay dhiggiisa Ruushka iyo Sacuudiga