| Somali
TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Is-ballaarinta Israa'iil waxay khatar ku tahay nabadda gobolka: Madaxweyne Erdogan
“Turkiya iyo Aljeeriya waxay wadaagaan mowqif mideysan oo ku saabsan joojinta rabshadaha si weyn u halis gelinaya nabadda iyo ammaanka gobolka,” ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
Is-ballaarinta Israa'iil waxay khatar ku tahay nabadda gobolka: Madaxweyne Erdogan
Erdogan ayaa Tebboune ku soo dhaweeyay Aqalka Madaxtooyada, halkaas oo ay si wadajir ah u guddoomiyeen Shirka Golaha Iskaashiga Istaraatiijiyadeed. / AA

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in siyaasadaha is-ballaarinta ee Israa’iil ay yihiin khatarta ugu weyn ee ammaanka gobolka.

“Weerarka Israa’iil mar kale wuxuu muujiyey in dhibaatada ugu weyn ee ammaanka ee gobolka ay yihiin siyaasadaha ballaarsiinaya, sharci-darrada ah iyo kuwa xeerarka ka leexda ee xukuumadda hadda jirta,” ayuu Erdogan yiri Khamiistii intii uu shir jaraa’id la wadaagay Madaxweynaha Aljeeriya Abdelmadjid Tebboune ee caasimadda Ankara.

“Turkiya iyo Aljeeriya waxay wadaagaan mowqif mideysan oo ku saabsan joojinta rabshadaha si weyn u halis gelinaya nabadda iyo ammaanka gobolka,” ayuu intaas ku daray.

Tebboune sidoo kale wuxuu canbaareeyey tallaabooyinka Israa’iil ee gobolka.

“Waxaan canbaareyneynaa gumeysiga Israa’iil, ku xadgudubkeeda sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimo, weerarradeeda muuqda ee ay ku qaaday Lubnaan, iyo dhaqamada xunxun ee ay Gaza ka geysteen,” ayuu yiri.

Xoojinta iskaashiga

Erdogan ayaa horey Tebboune ugu soo dhaweeyay Xarunta Madaxtooyada, halkaasoo labadii hoggaamiye ay si wadajir ah u guddoomyeen Shirka Golaha Iskaashiga Istiraatijiyadeed ee Heerka Sare, iyagoo ka dibna ka qeybgalay xaflad lagu saxiixayey heshiisyo labada geesood ah.

Erdogan ayaa sheegay in Ankara ay go’aan ku gaartay xoojinta iskaashiga ay la leedahay Aljeeriya qaybaha istiraatijiyadeed, oo ay ka mid yihiin tamarta, macdanta, gaadiidka iyo beeraha.

Wuxuu intaa ku daray in labada dal ay sii wadaan qoto-dheeraanshaha iskaashiga muddada-dheer ee sugidda sahayda tamarta, 'si gaar ah gaaska dabiiciga ah'.

Tebboune wuxuu sheegay in Aljeeriya iyo Turkiya sidoo kale ay hiigsanayaan kala-duwanaanshaha xiriirka dhaqaale iyo ilaalinta 'dhaxalka taariikheed ee ay wadaagaan'.