| Somali
TURKIGA
2 daqiiqo akhris
TRT oo 62-jirsatay: Madaxweyne Erdogan oo ammaanay doorka caalamiga ah ee warbaahinta TRT
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ammaanay warbaahinta qaranka TRT oo uu ku tilmaamay mid ku saleysan “runta,” iyadoo ay u dabaaldegeyso 62 sano-guuradeeda, isla markaana ku baahisa in ka badan 40 luqadood oo caalamka ah.
TRT oo 62-jirsatay: Madaxweyne Erdogan oo ammaanay doorka caalamiga ah ee warbaahinta TRT
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa xusay sannad-guuradii 62-aad ee warbaahinta dadweynaha ee Turkiga TRT, farriin uu ku baahiyay barta X. / TRT World and Agencies

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa bogaadiyay shabakadda warbaahinta dowladda ee TRT, xilli la xusayo sannad-guuradeedii 62-aad.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay shabakaddan in ay tahay “marjac muhiim ah” oo ka dhex muuqda warbaahinta caalamka, isla markaana ah awood weyn oo lagula dagaallamo wararka been abuurka ah ee sii kordhaya.

Fariin hambalyo ah oo uu u diray Agaasimaha Guud ee TRT, Mehmet Zahid Sobaci, ayuu Madaxweyne Erdogan ku sheegay in TRT ay si weyn u xoojisay baahinteeda ku wajahan luuqadaha kala duwan ee caalamka, ayna si wanaagsan ula jaanqaadday baraha casriga ah.

Wuxuu ku sifeeyay warbaahintan in ay tahay “codka dalkeenna” iyo “xusuusta qarankeenna.”

Madaxweynaha ayaa xusay in TRT ay door weyn ku leedahay muujinta mowqifyada Turkiga ee fagaarayaasha caalamka iyo horumarinta “halganka caddaaladda” ee qaranka, isagoo carabka ku adkeeyay in uu aaminsan yahay in warbaahintani ay sii ahaan doonto “codka u hadla dalkeenna, qarankeenna, iyo dhammaan dadka la dulmiyay.”

“Doorka ay TRT ku leedahay in ay hiigsigeenna ‘Qarniga Turkiga’ gaarsiiso masraxa warbaahinta iyo dadaallada aan ku dooneyno in aan si xooggan beesha caalamka ugu bandhigno mowqifyadeenna xaqqa ah, ayaa ah mid leh ahmiyad aad u weyn,” ayuu yiri Erdogan.

 ‘Qarniga Turkiga’ ayaa ah hiigsi siyaasadeed oo uu Madaxweynuhu daah-furay sannadkii 2023, kaas oo ujeedkiisu yahay ballaarinta saamaynta caalamiga ah ee Turkiga.

Shabakadda TRT, oo la aasaasay sanadkii 1964-kii, ayaa ah warbaahinta dowladda ee ugu weyn dalkaas, iyadoo baahisa warar iyo barnaamijyo ku baxa in ka badan 40 luuqadood oo caalami ah, maamushana kanaallo kala duwan oo si weyn looga daawado adduunka, sida TRT World, TRT Arabi, iyo TRT Espanol.

XIGASHO:TRT World and Agencies
Raadi Warar Kale
Erdogan oo ku baaqay in la xoojiyo isku-duwidda dalalka Turkida ee difaaca, AI iyo amniga internetka
Turkiga oo beeniyay eedeymo “aan sal lahayn” oo ku saabsan faragelinta siyaasadda Soomaaliya
Mareykanka iyo Iiraan oo muujiyey “rabitaan ku filan” oo lagu joojinayo dagaalka: Wasiir Fidan
Erdogan: Isbeddellada cusub waxay muujinayaan baahida xiriir dhow oo Turkiga iyo Midowga Yurub ah
Marwada Koowaad ee Turkiga Emine Erdogan oo Istanbul ku martigelisay Boqoradda Belgium Mathilde
Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay heshiiska taageerada deeqda Soomaaliya
Is-ballaarinta Israa'iil waxay khatar ku tahay nabadda gobolka: Madaxweyne Erdogan
Danjireyaal cusub oo waraaqaha aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Turkiga Erdogan
Xiriirka Turkigu waa “istaraatiiji,” gobolkuna wuu ka bixi doonaa dhibaatooyinka jira: Sacuudiga
Turkiga oo wada qorshe ay carruurta ka yar 15-jirka kaga ilaalinayso baraha bulshada
Garaadka Macmalka ah iyo kacaanka tiknoolajiyadda oo dib u qaabeynaya shaqaalaha caalamka: Erdogan
MW Erdogan oo garab istaag u muujiyay Trump kadib isku day weerar oo ka dhacay munaasabad casho
Turkiga oo ku dhawaaqay soo laabashada Formula 1 iyadoo Istanbul Park lagu daray jadwalka 2027
Turkiga oo mamnuucay isticmaalka baraha bulshada ee dhalinta ka yar 15 jirka: Badbaadada Dijitaalka
Turkiga oo ballaarinaya doorkiisa diblomaasiyadeed isagoo martigeliyay hoggaamiyeyaal caalami ah
Jabuuti: Madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo madaxda kale caalamka oo u hambalyaysay Geelle
Nigeria iyo Turkiga oo ku heshiiyay qorshe iskaashi difaaca ah intii uu socday Shirka Antalya
Duran: Rajada mustaqbalka dunidu waxay ku jirtaa baaqa Turkiga ee ah “Aan wadajir dunida u dhisno”
Israa’iil amniga ayay marmarsiiyo uga dhigataa si ay dhul badan u qabsato: Wasiir Fidan
Madaxweyne Xasan Sheekh: Turkigu door weyn ayuu ka qaatay diblomaasiyadda