| Somali
GANACSI & TEKNOLOJI
3 daqiiqo akhris
Shirkadda dhoofinta badeecadaha badda Maersk oo hakisay ballansashadii rar cusub ee dekedda Berbera
Shirkadda ayaa sheegtay in hakintani ay dhaqan-galayso isla markiiba, balse waxay xaqiijisay in rarkii horay ugu soo jiray waddada uu sii wadan doono safarkiisa ilaa uu ka gaaro halkii loogu talagalay.
Shirkadda dhoofinta badeecadaha badda Maersk oo hakisay ballansashadii rar cusub ee dekedda Berbera
[Sawir hore] Shirkadda dhoofinta badeecadaha badda Maersk oo hakisay ballansashadii rar cusub ee dekedda Berbera / Reuters

Shirkadda weyn ee dhanka dhoofinta badeecadaha badda ee fadhigeedu yahay dalka Denmark ee Maersk ayaa si ku-meel-gaar ah u hakisay ballansashadii iyo dalabaadkii cusbaa ee rarka badeecadaha ee tegaya ama ka imaanaya dekedda Berbera ee Somaliland.

Shirkadda ayaa go’aankan sabab uga dhigtay isbeddello lagu sameeyay jadwalka shaqada, xilli ay sii kordhayaan xasaradaha iyo isbedbeddelka saameynta ku leh waddooyinka ganacsiga badda ee caalamka.

Shirkadda ayaa sheegtay in hakintani ay dhaqan-galayso isla markiiba, balse waxay xaqiijisay in rarkii horay ugu soo jiray waddada uu sii wadan doono safarkiisa ilaa uu ka gaaro halkii loogu talagalay.

Maersk ayaa intaas ku dartay in marinno kale oo gobolka ah oo ay ka mid yihiin dekedaha Jabuuti, Muqdisho, iyo Mombasa, ay si buuxda u shaqaynayaan si ay u taageeraan silsiladaha isku-xirka ganacsiga ee macaamiisheeda.

Shirkadda Maersk ayaa kula talisay macaamiisheeda ku hawlan rarka badeecadaha u socda Geeska Afrika iyo Itoobiya in ay la tashadaan kooxaha dhanka saadka, si ay u helaan ikhtiyaarro kale oo dhanka berriga ah oo rarka loo weecin karo.

Waxay xustay in isbeddelladan lagu sameeyay adeegga ay qayb ka yihiin dib-u-qaabaynta joogtada ah ee lagu samaynayo shabakadaha shirkadda ee guud ahaan gobolka.

Dekedda Berbera, oo ah marin muhiim u ah Somaliland iyo waddooyinka ganacsi ee gudaha u gala Itoobiya, ayaa sanadihii u dambeeyay yeelatay muhiimad istaraatiijiyadeed oo sii kordhaysa, xilli shirkadaha maraakiibtu ay la qabsanayaan isbeddellada ku imaanaya hannaanka saadka iyo isku-socodka ee gobolka.

Tallaabadan ugu dambaysay ayaa ku soo beegmaysa xilli ay jirto xasillooni-darro baahsan oo saamaysay shabakadaha dhoofinta badda ee caalamka.

Shirkadda Maersk oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn caalamka ee xambaara konteenarada ayaa bishii Maarso horay ugu dhawaaqday in ay si ku-meel-gaar ah u hakisay laba adeeg oo muhiim ah oo isku xira Bariga Dhexe, Aasiya, iyo Yurub.

Shirkadda ayaa xilligaas sheegtay in go’aankaas uu ka dhashay khataro dhanka amniga ah oo kordhay iyo carqalado xagga hawlgallada ah, kaddib markii Maraykanka iyo Israa’iil ay bilaabeen hawlgalladoodii milatari ee ugu ballaarnaa ee ay ku qaadaan Iiraan muddo tobanaan sano ah.

Adeegyadii la hakiyay ayaa isugu jiray marinno muhiim ah oo isaga goosha Marinka Hormuz iyo Kanaalka Suweys, kuwaas oo halbowle u ah isu-socodka tamarta iyo konteenarada caalamka. Bayaan ay horay u soo saartay, ayay Maersk ku sheegtay in tallaabooyinkaasi ay ahaayeen kuwo taxaddar ah oo looga gol lahaa in lagu xaqiijiyo badbaadada maraakiibta iyo shaqaalaha, iyadoo dhanka kalena la yareynayo carqaladaynta ku imaan karta shabakadeeda ballaaran.

Maersk ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto la-socodsiinta macaamiisheeda hadba sida ay xaaladuhu isu beddelaan, iyadoo xoogga saaraysa in mudnaanteeda koowaad ay tahay ilaalinta sii socoshada silsiladda saadka, xilli ay la qabsanayso isbedbeddelka khataraha xagga hawlgallada. Shirkaddu ma aysan bixin wax waqti ah oo la xiriira xilliga ay dib u soo celin doonto adeegyadii buuxa ee dekedda Berbera ama marinnadii la hakiyay ee Bariga Dhexe.

Raadi Warar Kale
Soomaaliya iyo Shiinaha oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Maaliyadeed ee Fududeynaya Ganacsiga Labada Dal
Soomaaliya oo markii ugu horreysay madal ganacsi ka furatay Bandhigga Badeecadaha Shiinaha (CIIE)
Soomaaliya iyo Qatar oo isku raacay xoojinta iskaashiga duulista rayidka iyo maamulka hawada
Turkiga oo markab cilmi-baaris u soo diraya xeebaha Soomaaliya si loo horumariyo Dhaqaalaha Buluugga
In ka badan 20 hoggaamiye iyo wakiillo Afrikaan ah oo Masar isugu imanaya shirka ganacsiga qaaradda
Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya iyo Bangiyada oo Qabtay Madal Wadahadal oo ku Saabsan Maalgashiga
Jubba Airways oo Dib u Bilowday Duulimaadyada Caalamiga ah Laguna Soo Dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde
Soomaaliya oo Muqdisho ka Furtay Shirka Talagelinta Hoggaamiyeyaasha Qurbo-joogta ah
Soomaaliya oo ka qeybgalaysa shirka ugu weyn caalamka ee kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga
Midowga Afrika oo bogaadiyay ku biirista Soomaaliya ee AfCFTA iyo horumarka ganacsiga
Dowladda Soomaaliya oo nidaamka mushaar-bixinta ku xiraysa Aqoonsiga Qaranka
Soomaaliya oo shaacisay in shirkaddii Somali Airlines ay dib u hawlgeli doonto bisha Sebteembar
Soomaaliya oo 75% baahida cuntadeeda dibadda ka soo dhoofsata, sannadkiina ku bixisa $2.2 bilyan
Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-sharciyeedka Caddeynta Asalka Badeecadaha
Shirkadda diyaaradaha ee EgyptAir oo dib u billowday duullimaadyadii Suudaan
Turkiga oo joojiyey duulimaadyadii dalalka bariga dhexe sababo amaan awgood
Muqdisho: Garoonka Aadan Cabdulle oo yeeshay Terminaal cusub oo casri ah
Soomaaliya oo diidday in diyaarad Israa'iili ah ay marto hawadeeda
Mareykanka iyo Midowga Afrika oo dhisaya guddi loogu talagalay horumarinta maalgashiga
Wadahadallo dhaqaale oo u dhexeeya Suudaan iyo Turkiga oo lagu qabtay Ankara