In ka badan 20 hoggaamiye iyo wakiillo ka socda dalalka Afrika ayaa Jimcaha isugu imanaya magaalada New Alamein ee dalka Masar, halkaas oo uu ka furmayo shirkii ugu horreeyay ee ganacsiga ee Alamein Africa Forum, kaas oo diiradda lagu saarayo ganacsiga, maalgashiga, iyo iskaashiga dhaqaale ee qaaradda.
Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah (2-da ilaa 4-ta Oktoobar), ayaa sidoo kale kulmin doona madaxda shirkadaha, bangiyada, iyo hay’adaha maaliyadeed ee ka shaqeeya horumarinta Afrika.
Madashan ayaa waxaa si wadajir ah u qabanqaabiyay dowladda Masar, Bangiga Dhoofinta iyo Soo-dejinta Afrika Afreximbank, iyo Hay’adda Horumarinta Midowga Afrika ee AUDA-NEPAD, iyadoo qorshuhu yahay inay noqoto madal dhaqaale oo joogto ah oo labadii sanaba mar lagu qabto Masar.
Xukuumadda Qaahira ayaa shirkan u aragta fursad dahabi ah oo lagu xoojinayo xiriirkeeda dhaqaale ee Afrika, iyadoo doonaysa in ganacsatada, dowladaha, iyo maalgeliyeyaashu ay si toos ah u kulmaan, ugana wada-shaqeeyaan mashaariic ka gudba xuduudaha dalalka.
“Waa madal Afrikaan ah. Dal ku yaalla Bariga Afrika waa inuu madashan kaga heshiin karaa dal ku yaalla Galbeedka, Waqooyiga ama Koonfurta Afrika,” ayuu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Maxamed Abu Bakr Saalax, oo ah Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar u qaabilsan arrimaha Afrika. Saalax ayaa xusay in kulamadu ay diiradda saari doonaan kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, beeraha, caafimaadka, macdanta, tiknoolajiyadda, iyo tamarta la cusboonaysiin karo.
Ballaarinta Kaalinta Masar ee Afrika
Shirku waxa uu qayb ka yahay dadaal ay Qaahira ku doonayso inay sare ugu qaaddo joogitaankeeda ganacsi iyo midka siyaasadeed ee qaaradda. Masar ayaa sannado badan xoogga saaraysay Bariga Dhexe iyo gobolka Badda Dhexe (Mediterranean), balse hadda waxay dadaal dheeraad ah gelinaysaa xiriirka dhaqaale ee ay la leedahay dalalka Afrika.
Maalgashiga ay shirkadaha Masar ku leeyihiin qaaradda ayaa lagu qiyaasaa ku dhowaad $14 bilyan oo doollar. Mashaariicda ugu waaweyn ee ay shirkadahaasi ka fuliyeen Afrika waxaa ka mid ah Mashruuca Korontada Biyaha ee Julius Nyerere ee dalka Tansaaniya, kaas oo ay si wadajir ah u dhiseen shirkadaha Arab Contractors iyo Elsewedy Electric.
Ganacsiga Gudaha Qaaradda oo Hooseeya
Ganacsiga u dhexeeya dalalka Afrika laftooda ayaa weli ah qayb aad u yar marka la barbar-dhigo guud ahaan ganacsiga qaaradda. Xog lagu soo bandhigay diyaar-garowga madasha ayaa muujinaysa in ganacsiga gudaha Afrika uu sannadkii 2023-kii gaaray qiyaastii $192 bilyan, taas oo u dhiganta 15% (boqolkiiba shan iyo toban) guud ahaan ganacsiga qaaradda. Heerkaas ayaa aad uga hooseeya ganacsiga is-weydaarsiga gudaha ee gobollada sida Aasiya iyo Yurub.
“Afrika waxay leedahay kheyraad aad u badan, balse weli looma faa’iideysan heerkii aan jeclaan lahayn,” ayuu yiri Wasiir Ku-xigeen Saalax. Qabanqaabiyeyaasha ayaa sheegay in ujeeddada madashu ay tahay in la isku xiro siyaasadaha dowladaha, maalgelinta, iyo ganacsiga, si qorshayaasha horumarineed loogu beddelo mashaariic dhab ah oo la hirgelin karo.
Khilaafka Biyo-xireenka GERD
Dhanka kale, shirkani wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo weli aan xal laga gaarin khilaafka muddada dheer u dhexeeya Masar iyo Itoobiya ee ku saabsan Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD). In ka badan toban sano oo wada-hadallo ah ayaan labada dal iyo Suudaan weli u horseedin heshiis kama-dambays ah oo waajib ka dhigaya sida biyo-xireenka loo maamulayo.
Itoobiya ayaa ku doodaysa in mashruucani uu muhiim u yahay kobaceeda dhaqaale, halka Masar ay ka walaacsan tahay saameynta uu ku yeelan karo saami-biyoodkeeda Webiga Niil. “Mowqifkeenna ku saabsan amniga biyaha Masar isma beddelin, mana isbeddeli doono,” ayuu yiri Saalax.























