Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan, ayaa ka qeybgalaya kalfadhiga 37-aad ee Guddiga Kalluumeysiga ee Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO/COFI37), kaas oo maalintii Isniinta ka furmay xarunta dhexe ee hay'addaas ee magaalada Rome.
Shirweynahan COFI37 ayaa lagu tiriyaa madasha ugu weyn caalamka ee kulmisa dejiyeyaasha siyaasadaha, khubarada, iyo bah wadaagta ka shaqeysa horumarinta kalluumeysiga iyo xannaaneynta kheyraadka badda, waxaana sanadkan uu shirku socon doonaa inta u dhaxaysa 7-da ilaa 11-ka bisha Sebtembar.
Inta uu kulankan socdo waxaa lagu lafa-gurayaa xaaladda dhabta ah ee kalluumeysiga iyo soo-saarista kheyraadka badaha adduunka, xilli uu sii kordhayo culeyska saaran hab-nololeedka baddaha iyo baahida xooggan ee loo qabo cuntooyinka laga soo saaro biyaha.
Ajandayaasha ugu waaweyn ee shirka diiradda lagu saarayo waxaa kamid ah; la-dagaallanka kalluumeysiga sharci-darrada ah ee aan diiwaangashanayn ama aan nidaamsanayn (IUU), la-qabsiga isbeddelka cimilada, dhiirrigelinta kalluumeysatada yaryar, horumarinta kheyraadka badaha, iyo la-socodka isbeddellada ku imaanaya maamulka badaha caalamka.
Mas'uuliyiinta ka qeybgalaysa madashan ayaa sidoo kale falanqayn doona kaalinta ay hay’adda FAO iyo ururrada kalluumeysiga ee gobolladu ku leeyihiin meel-marinta heshiisyada caalamiga ah ee la xiriira arrimaha kalluumeysiga iyo badbaadinta noocyada kheyraadka badeed ee dabar-goynta qarka u saaran.
Dowladda Soomaaliya ayaa shirkan u aragta madal gacan ka geysan karta xoojinta xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah, kororsiga aqoon iyo khibrado farsamo, iyo inay u ololeyso sidii ay u heli lahayd taageero iyo maalgashi ballaaran oo lagu horumariyo waaxdeeda kalluumeysiga.
Sidoo kale, xukuumadda ayaa qorsheyneysaa inay madashan ku soo bandhigto fursadaha maalgashi ee ka banaan kheyraadka baddeeda iyo doorka muhiimka ah ee dhaqaalaha buluuggu uu ku leeyahay kobaca dhaqaalaha dalka, shaqo-abuurka dhallinyarada iyo sugnaanta cuntada.
In kasta oo Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer dhul weynaha qaaradda Afrika isla markaana ay ceegaagaan kheyraad badeed oo baaxad leh, haddana waaxda kalluumeysiga dalka ayaa wali la tacaalaysa caqabado is-barkan oo ay kamid yihiin kalluumeysiga sharci-darrada ah, kaabayaasha dhaqaale oo liita, iyo baahi weyn oo loo qabo maalgashi iyo qalab farsamo oo casri ah.
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ayaa hoosta ka xarriiqday inay mudnaanta koowaad siinayso maareynta waarta ee kheyraadka badda, kordhinta wax-soo-saarka xagga kalluumeysiga, abuurista fursado shaqo, iyo sidii uu kalluumeysigu kaalin hormuud ah uga qaadan lahaa kobcinta dhaqaalaha iyo sugnaanta cuntada ee Soomaaliya.























