| Somali
GANACSI & TEKNOLOJI
2 daqiiqo akhris
Dowladda Soomaaliya oo nidaamka mushaar-bixinta ku xiraysa Aqoonsiga Qaranka
Xisaabiyaha Guud ayaa hay’adaha dowladda faray inay dib u hubiyaan xogta shaqaalahooda ku jira nidaamka mushaar-bixinta, isla markaana ay shaqaalaha aan weli haysan Aqoonsiga Qaranka ku wargeliyaan inay si degdeg ah isaga diiwaangeliyaan NIRA
Dowladda Soomaaliya oo nidaamka mushaar-bixinta ku xiraysa Aqoonsiga Qaranka
Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cabdulle / Others

Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Soomaaliya, Maxamed Maxamuud Cabdulle, ayaa faray dhammaan wasaaradaha, hay’adaha iyo xafiisyada Dowladda Federaalka inay u diyaar-garoobaan isku-xirka nidaamka mushaar-bixinta dowladda iyo nidaamka Aqoonsiga Qaranka ee NIRA.

Cabdulle ayaa arrintan ku sheegay warqad rasmi ah oo uu 29-kii Agoosto 2026 u diray hay’adaha dowladda, taas oo sidoo kale ogeysiis ahaan loo gaarsiiyey Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ee NIRA.

Warqadda ayaa lagu sheegay in nidaamka mushaar-bixinta dowladda ee Payroll/SFMIS lagu xiri doono nidaamka Aqoonsiga Qaranka, iyadoo tallaabadan looga gol leeyahay xaqiijinta aqoonsiga iyo saxnaanta xogta shaqaalaha dowladda, xoojinta hufnaanta iyo isla-xisaabtanka mushaar-bixinta, iyo hubinta in mushaarka dowladda la siiyo shaqaalaha xaqa u leh oo keliya.

Wajiga koowaad ee qorshahan, shan hay’adood oo dowladda ka tirsan ayaa lagu sameyn doonaa tijaabo hordhac ah oo bilaabanaysa 1-da Oktoobar 2026. Marka la qiimeeyo natiijada tijaabada, nidaamka ayaa si tartiib-tartiib ah loogu ballaarin doonaa hay’adaha kale ee dowladda.

Dhaqan-gelinta buuxda ee nidaamkan ayaa la qorsheeyey in la gaaro ugu dambeyn 31-ka Diseembar 2027.

Xisaabiyaha Guud ayaa hay’adaha dowladda faray inay dib u hubiyaan xogta shaqaalahooda ku jira nidaamka mushaar-bixinta, isla markaana ay shaqaalaha aan weli haysan Aqoonsiga Qaranka ku wargeliyaan inay si degdeg ah isaga diiwaangeliyaan NIRA.

Warqadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in marka isku-xirka nidaamkan si rasmi ah loo dhaqan-geliyo, shaqaalaha aan haysan Aqoonsiga Qaranka ama aan xogtooda si sax ah looga xaqiijin nidaamka ay arrintaasi saameyn ku yeelan karto mushaar-bixintooda.

Xisaabiyaha Guud ayaa dhammaan hay’adaha dowladda ku adkeeyey inay arrintan siiyaan mudnaan gaar ah, isla markaana ay dhammaystiraan hubinta xogta iyo diiwaangelinta shaqaalahooda si looga fogaado dib-u-dhac ama caqabado ku yimaada nidaamka mushaar-bixinta iyo hufnaanta maaliyadda dowladda.

XIGASHO:TRT SOMALI
Raadi Warar Kale
Soomaaliya oo ka qeybgalaysa shirka ugu weyn caalamka ee kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga
Midowga Afrika oo bogaadiyay ku biirista Soomaaliya ee AfCFTA iyo horumarka ganacsiga
Soomaaliya oo shaacisay in shirkaddii Somali Airlines ay dib u hawlgeli doonto bisha Sebteembar
Soomaaliya oo 75% baahida cuntadeeda dibadda ka soo dhoofsata, sannadkiina ku bixisa $2.2 bilyan
Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-sharciyeedka Caddeynta Asalka Badeecadaha
Shirkadda diyaaradaha ee EgyptAir oo dib u billowday duullimaadyadii Suudaan
Shirkadda dhoofinta badeecadaha badda Maersk oo hakisay ballansashadii rar cusub ee dekedda Berbera
Turkiga oo joojiyey duulimaadyadii dalalka bariga dhexe sababo amaan awgood
Muqdisho: Garoonka Aadan Cabdulle oo yeeshay Terminaal cusub oo casri ah
Soomaaliya oo diidday in diyaarad Israa'iili ah ay marto hawadeeda
Mareykanka iyo Midowga Afrika oo dhisaya guddi loogu talagalay horumarinta maalgashiga
Wadahadallo dhaqaale oo u dhexeeya Suudaan iyo Turkiga oo lagu qabtay Ankara
Soomaaliya iyo Sucuudiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga gaadiidka iyo duulista hawada
Madasha Ganacsiga ee Turkiga iyo Afrika oo lagu xoojinayo iskaashiga
Maamulka Muqdisho waxa uu dib u furay saddex waddo oo muhiim ah si loo fududeeyo isu socodka
Ra'iisul Wasaaraha Jabuuti oo wada-hadallo la yeeshay La-taliyaha Guud ee Bangladesh, Muhammad Yunus
Dowladda Soomaaliya oo jid-gooyooyinkii ka qaadday waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho
Horumarinta duulista hawada: Wafdi Soomaaliyeed oo ka qaybgalaya shirweynaha caalamiga ah ee ICAO
Trump oo tilmaamay in heshiis laga gaaray TikTok ka hor inta aanu la hadlin Xi
Soomaaliya oo daah-furtay qorshe-weyn oo taariikhi ah oo beeraha looga ciribtirayo gaajada dalka