| Somali
GANACSI & TEKNOLOJI
2 daqiiqo akhris
Mareykanka iyo Midowga Afrika oo dhisaya guddi loogu talagalay horumarinta maalgashiga
Qoraal wadajir ah oo ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in guddigan uu ujeedkiisu yahay xoojinta iskaashiga dhaqaale, abuurista fursado shaqo, iyo horumarinta amniga dhaqaalaha ee Mareykanka iyo Afrika.
Mareykanka iyo Midowga Afrika oo dhisaya guddi loogu talagalay horumarinta maalgashiga
Mareykanka iyo Midowga Afrika oo dhisaya guddi loogu talagalay horumarinta maalgashiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha. / Reuters

Mareykanka iyo Midowga Afrika (AU) ayaa maalintii Arbacada ku heshiiyay inay sameeyaan guddi farsamo oo ka shaqayn doona mashaariicda waaweyn iyo maalgashiga, si loo kordhiyo maalgashiga shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo xoojinta xiriirka dhaqaale ee Mareykanka iyo Afrika.

Qoraal wadajir ah oo ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in guddigan uu ujeedkiisu yahay xoojinta iskaashiga dhaqaale, abuurista fursado shaqo, iyo horumarinta amniga dhaqaalaha ee Mareykanka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Waxa kale oo qoraalka lagu xusay in guddigani uu saldhig u noqon doono iskaashi dhaqaale oo fog, kaas oo wax weyn ka beddeli doona xiriirka labada dhinac sanadaha soo socda, iyadoo la raadinayo koboc dhaqaale oo waara.

Heshiiskan ayaa yimid ka dib markii Kuxigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Christopher Landau, iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ay ku kulmeen magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. Labada mas'uul ayaa hoosta ka xariiqay in dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga ay fure u yihiin Afrika nabad ah oo barwaaqo ah.

Guddigan ayaa u adeegi doona sidii madal ay khubarada Mareykanka iyo kuwa Midowga Afrika isugu yimaadaan si ay u aqoonsadaan fursadaha ay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Mareykanka ku maalgashan karaan mashaariicda ay taageerto Midowga Afrika. Maalgashigan ayaa lagu horumarin doonaa marinnada gaadiidka, isgaarsiinta, shabakadaha tamarta, iyo isku xirka qawaaniinta ganacsiga ee qaaradda.

Christopher Landau ayaa hadda ku jira socdaal uu ku marayo dalalka Afrika ee kala ah Masar, Itoobiya, Kenya, iyo Jabuuti, isagoo uu weheliyo Taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin Anderson. Socdaalkooda ayaa bilaawday 24-kii Janaayo, wuxuuna ku eg yahay 1-da Febraayo, 2026.

XIGASHO:AA
Raadi Warar Kale
Soomaaliya iyo Shiinaha oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Maaliyadeed ee Fududeynaya Ganacsiga Labada Dal
Soomaaliya oo markii ugu horreysay madal ganacsi ka furatay Bandhigga Badeecadaha Shiinaha (CIIE)
Soomaaliya iyo Qatar oo isku raacay xoojinta iskaashiga duulista rayidka iyo maamulka hawada
Turkiga oo markab cilmi-baaris u soo diraya xeebaha Soomaaliya si loo horumariyo Dhaqaalaha Buluugga
In ka badan 20 hoggaamiye iyo wakiillo Afrikaan ah oo Masar isugu imanaya shirka ganacsiga qaaradda
Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya iyo Bangiyada oo Qabtay Madal Wadahadal oo ku Saabsan Maalgashiga
Jubba Airways oo Dib u Bilowday Duulimaadyada Caalamiga ah Laguna Soo Dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde
Soomaaliya oo Muqdisho ka Furtay Shirka Talagelinta Hoggaamiyeyaasha Qurbo-joogta ah
Soomaaliya oo ka qeybgalaysa shirka ugu weyn caalamka ee kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga
Midowga Afrika oo bogaadiyay ku biirista Soomaaliya ee AfCFTA iyo horumarka ganacsiga
Dowladda Soomaaliya oo nidaamka mushaar-bixinta ku xiraysa Aqoonsiga Qaranka
Soomaaliya oo shaacisay in shirkaddii Somali Airlines ay dib u hawlgeli doonto bisha Sebteembar
Soomaaliya oo 75% baahida cuntadeeda dibadda ka soo dhoofsata, sannadkiina ku bixisa $2.2 bilyan
Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-sharciyeedka Caddeynta Asalka Badeecadaha
Shirkadda diyaaradaha ee EgyptAir oo dib u billowday duullimaadyadii Suudaan
Shirkadda dhoofinta badeecadaha badda Maersk oo hakisay ballansashadii rar cusub ee dekedda Berbera
Turkiga oo joojiyey duulimaadyadii dalalka bariga dhexe sababo amaan awgood
Muqdisho: Garoonka Aadan Cabdulle oo yeeshay Terminaal cusub oo casri ah
Soomaaliya oo diidday in diyaarad Israa'iili ah ay marto hawadeeda
Wadahadallo dhaqaale oo u dhexeeya Suudaan iyo Turkiga oo lagu qabtay Ankara