| Somali
GANACSI & TEKNOLOJI
2 daqiiqo akhris
Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-sharciyeedka Caddeynta Asalka Badeecadaha
Mas'uuliyiinta ayaa tilmaamay in sharcigani uu door weyn ka qaadan doono ka faa’iidaysiga fursadaha ganacsi ee ka dhasha heshiisyada heer gobol iyo heer caalami, gaar ahaan heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA).
Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-sharciyeedka Caddeynta Asalka Badeecadaha
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Gamal Maxamed Xasan

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u meelmariyay Hindise-Sharciyeedka Caddeynta Asalka Badeecadaha Soomaaliya, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, ujeeddadiisuna tahay kor u qaadida dhoofinta dalka iyo xoojinta awoodda wax-soo-saarka gudaha.

Hindise-sharciyeedkan ayaa dhisaya hannaan sharciyeed oo dhammeystiran oo lagu caddeynayo laguna aqoonsanayo asalka badeecadaha lagu soo saaro Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa kor u qaadaysa kalsoonida lagu qabo badeecadaha Soomaaliyeed, waxayna ilaalinaysaa sharafta iyo sumcadda astaanta 'Lagu Sameeyay Soomaaliya', iyadoo dhinaca kalena xoojinaysa tartan-joogtaynta ganacsiga dalka ee suuqyada caalamka.

Sidoo kale, sharcigani wuxuu xal waara u noqonayaa, isagoo meesha ka saaraya caqabadihii muddada dheer ku horgudbanaa ganacsatada Soomaaliyeed ee wax dhoofisa, kuwaas oo dhibaato weyn ku qabay helitaanka Shahaadada Caddeynta Asalka Badeecadaha.

Marka uu sharcigan dhaqan-galo, wuxuu dalka u suurtagelin doonaa in si qaran loo bixiyo shahaadadan la aqoonsan yahay, taas oo sahleysa in badeecadaha gudaha lagu sameeyo ay si toos ah oo fudud ugu dhoofaan uguna tartamaan suuqyada gobolka, qaaradda iyo kuwa caalamkaba.

Mas'uuliyiinta ayaa tilmaamay in sharcigani uu door weyn ka qaadan doono: Kobcinta dhoofinta iyo horumarinta warshadaha gudaha, Dhiirrigelinta wax-soo-saarka iyo soo jiidashada maalgashiga, iyo Ka faa’iidaysiga fursadaha ganacsi ee ka dhasha heshiisyada heer gobol iyo heer caalami, gaar ahaan heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA).

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Gamal Maxamed Xasan, ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo guud ahaan Golaha Wasiirrada ansixinta hindise-sharciyeedkan muhiimka ah.

Wasiir Gamal ayaa ku tilmaamay sharcigan tallaabo istaraatiiji ah oo lagu dhisayo nidaam ganacsi oo casri ah, sharci ku dhisan, isla markaana sare u qaadaya sumcadda iyo tartan-joogtaynta badeecadaha Soomaaliyeed.

Gaba-gabadii, ansixinta Hindise-Sharciyeedka Caddeynta Asalka Badeecadaha Soomaaliya ayaa ka tarjumaya sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay dhismaha dhaqaale xooggan oo ku saleysan wax-soo-saar, warshadeyn iyo dhoofin.

Arrintan ayaa dammaanad qaadaysa in badeecadaha Soomaaliyeed ay helaan aqoonsi rasmi ah, ayna si buuxda isugu dhex-galaan silsiladaha ganacsiga ee gobolka iyo caalamka, si loo gaaro koboc dhaqaale oo waara.

 

Raadi Warar Kale
Soomaaliya iyo Shiinaha oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Maaliyadeed ee Fududeynaya Ganacsiga Labada Dal
Soomaaliya oo markii ugu horreysay madal ganacsi ka furatay Bandhigga Badeecadaha Shiinaha (CIIE)
Soomaaliya iyo Qatar oo isku raacay xoojinta iskaashiga duulista rayidka iyo maamulka hawada
Turkiga oo markab cilmi-baaris u soo diraya xeebaha Soomaaliya si loo horumariyo Dhaqaalaha Buluugga
In ka badan 20 hoggaamiye iyo wakiillo Afrikaan ah oo Masar isugu imanaya shirka ganacsiga qaaradda
Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya iyo Bangiyada oo Qabtay Madal Wadahadal oo ku Saabsan Maalgashiga
Jubba Airways oo Dib u Bilowday Duulimaadyada Caalamiga ah Laguna Soo Dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde
Soomaaliya oo Muqdisho ka Furtay Shirka Talagelinta Hoggaamiyeyaasha Qurbo-joogta ah
Soomaaliya oo ka qeybgalaysa shirka ugu weyn caalamka ee kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga
Midowga Afrika oo bogaadiyay ku biirista Soomaaliya ee AfCFTA iyo horumarka ganacsiga
Dowladda Soomaaliya oo nidaamka mushaar-bixinta ku xiraysa Aqoonsiga Qaranka
Soomaaliya oo shaacisay in shirkaddii Somali Airlines ay dib u hawlgeli doonto bisha Sebteembar
Soomaaliya oo 75% baahida cuntadeeda dibadda ka soo dhoofsata, sannadkiina ku bixisa $2.2 bilyan
Shirkadda diyaaradaha ee EgyptAir oo dib u billowday duullimaadyadii Suudaan
Shirkadda dhoofinta badeecadaha badda Maersk oo hakisay ballansashadii rar cusub ee dekedda Berbera
Turkiga oo joojiyey duulimaadyadii dalalka bariga dhexe sababo amaan awgood
Muqdisho: Garoonka Aadan Cabdulle oo yeeshay Terminaal cusub oo casri ah
Soomaaliya oo diidday in diyaarad Israa'iili ah ay marto hawadeeda
Mareykanka iyo Midowga Afrika oo dhisaya guddi loogu talagalay horumarinta maalgashiga
Wadahadallo dhaqaale oo u dhexeeya Suudaan iyo Turkiga oo lagu qabtay Ankara